CIID MUBAARAK



 

      

Qiimayntii waxqabadka rubucii 1aad ee Sanad-miisaaniyadeedka 2006TI ee 9ka Degmo ee Maamulka Gobolka Jarare oo ka furmay Hoolka Shirarka ee Magaalada dh/buur.

Dh/buur(cakaaranews) Talaado Oct,29,2013.Shir balaadhan oo si toos ah diirada loogu saarayay warbixinta waxqabadkii rubucii 1aad u yaalay Maamulka Gobolka Jarar iyo Degmooyinka hoos yimaada ee sanad miisaaniyeedka 2006TI ayaa waxa uu si habsamiya ugu furmay hoolka shirarka ee magaalada dh/buur waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa gobolka jarar oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka jarar mudane C/Jamaal Ahmed Qalonbi,Gudoomiyayaasha 9ka Degmo iyo Madaxda laamaha xafiisyada.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaa qiimaynta ah gudoomiyaha Maamulka Gobolka Jarar mudane C/Jamaal Ahmed Qolonbi oo sheegay in shirkani yahay shirkii qiimaynta waxqabadkii rucuba 1aad ee Maamulada iyo xafiisyada horumarka degmooyinka ee hoos yimaada gobolka Jarar islamarkaana sheegay gudoomiyuhu in dhamaan masuuliyiinta degmooyinka looga baahan yahay in ay soo bandhigaan warbixinta wax qabadkooda ku aadan waxa laga fuliyay Qorshayaashii Horumarineed ee Rubaca 1aad u yiilay si loo gorfeeyo Heerka waxqabadka degmooyinka iyo waxa ka dhiman.

Ka dib ayaa Waxaa Khudbadii Gudoomiayaha Maamulka Gobolka jarar ka dib la gudagalay Dhagaysiga iyo Qiimaynta Waxqabadka Maamulada 9ka Degmo iyadoo ugu horayntii la dhagaystay warbixinta waxqabadka degmada awaare oo uu soo jeediyay gudoomiyaha degmada awaare wuxuuna soo bandhigay warbixinta waxqabadka rubuca koowaad ee sanad miisaaniyeedka 2006TI waxaana warbixinta masuulka ku jirtay in ay siwayn rubucan wax uga qabteen qorshayashii u yaalay rubuca ee dhanka horumarka islamarkaana ay guulo waawayn ka soo hoyeen dhaman qorshayaashii u qorshaysnaa.

Sidoo kale waxaa la dhagaystay warbixinta qaarka mid ah degmooyinka gobolka jarar waxaana si gaar ah diirada qiimaynta loogu saarayay waxay masuuliyiinta degmooyinku ka qabteen qorshihii u qorshaysnaa rubucan marka siwayn loo dhagayso warbixnta waxqabadka degmooyinka ayaa waxaa loo gudbayay waxa degmo walba u qorshaysan rubuca xiga si loo saxo dhinaca ay degmadu ku liidado qiimaybnta waxqabadka rubucan.

isku soo wada soohoo Shirkan oo si habsamiya uga socda hoolka shirarka magaalada dh/buura oo wali socda ayaa waxaa waraka xiga idiinku soo gudbindoonaa waxa ka soo baxa