Ramadan Kariim 



 

      

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Hudhet Ee Gobolka Liibaan oo Natiijo Fiican Ku Tilmaamay Heerka ay Marinayaan Barnaamijka Dibu Dajinta

Hudat(CakaaraNews) Jimce Novembar 01,2013.Gudoomiyaha Degmada Hudhet Mudane Axmed Ibraahin Xuseen oo Wariyaha shabakada wararka Ee Cakaaranews ugu Waramayay waxqabadka Xafiiskiisa Ayaa sheegay In Degmada Oo ka Duulaysa Qorshaha Wax lagaga Badalayo Nolosha Bulshada Xoolo-Dhaqatada si ay uga Faa`iidaystaan Wax-soosaarka Beeraha taasoo ujeedadeedu tahay sidii looga bixi lahaa saboolnimada iyo Cunto-yarida horumarinta wabiyada iyo dooxooyinka Deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in ay Degmadan kajiraan 5 goobood Oo la dajiyay Bulshada xoolo-Dhaqatada si loogaga faaiideeyo Agagaarka Wabiga Dawa Kuwaasi oo wakhtigan Ka Faa`iidaysta Waxsoosaarka kala Duwan Ee saraca ay beertaan iyadoo sidoo kalena loo Dhamaystiray Adeegyada Aas-aasiga u ah Noloshooda Sida Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha iyo Qalabyada Beeraha ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Ayaa sidoo kale carabaabay inay Degmada ka socdaan mashaariico waawayn oo ay kamid yihiin Biyo Galin loo Samaynayo Bulshada Ku dhaqan Degmada iyo Jid isku Xidhaya Degmada Hudhet iyo Degmada Mubaarik taasi oo hada meel fiican maraysa isla markaana marka uu soo gaba-gaboobo jidkani Sahli doona isku Socodka Gaadiidka iyo Dadka ku dhaqan labada Degmo ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

Degmadan Hudhet Oo kamida 6 lixda Degmo Ee uu ka kooban yahay Gobolka Liibaan Ayaa waxaa ka socda Horumar dhinacyo badanleh oo loga faa`iidaynayo bulshada ku dhaqan degmada taasi oo qayb ka ah JIhooyinka Horumarineed Ee DDSI ay ku gaadhsiinayso Shacabka Ku dhaqan Degmooyinka iyo tuulooyinka hoosyimaada DDSI