Kulan Balaadhan oo Loo Qabtay 1000 Dhalinyarada 10ka Xaafadood ee Magaalada Jigjiga Ayaa Ka dhacay Magaalda Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews)Nov,02,2013.Waxaa Magaalada Jigjiga ka dhacay Kulan balaadhan oo looga gol-lahaa Dhiirigalinta Heerka Soo dhawaynta Madaxda DFI,Martisharafta iyo Ergooyinka ka soo Qaybgali doona Xuska 8aad ee Hidar 29 oo Mudo yari ka hadhsan tahay ayaa loo qabtay 1000 dhalinyaro ah oo laga soo xulay 10ka xaafadood ee Magaalada Jigjiga.

Shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid ahaa madaxwayne ku-xigeenka ahna hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane C/laahi Yuusuf Weerar,komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Cabdi-nuur,ku-xigeenka komishinka DDSI General Maxamed-qayo,hogaanka N/galyada Maamulka Magalada Jijiga mudane Nuur,gudoomiyayaasha maamulada 10ka xaafadood ee jijiga iyo waliba inka badan 1000 dhalinyaro ah oo laga soo xulay 10 xaafadood ee magaalada jijiga iyada oo xaafad walba laga soo xulay 100 boqol dhalinyaro ah.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada mudane c/laahi yuusuf warer tilmaamayna sheegay in lagu jiro maalmihii ugu danbeeyay ee u diyaar garowga iyo qaabilaada martida xuska qoowmiyadaha iyo Shucuubta Hidar 29 oo ka dhici doona Magaalada Jigjiga,wuxuuna sheegay in dhalinyaradu tahay lafdhabarta xukuumada, sidoo kalena looga baahan yahay dhalinyaradan laga soo xulay xaafadaha magaalada jigjiga ee loogu tala galay soo dhawaynta martida xuskan in ay siwan u soo dhaweeyaan dhamaanba martida qaybaheeda kala duwan ee ku soo fool leh xarunta deegaanka ee jijiga. Mar uu madaxwayne ku xigeenka ka hadlayay dhinaca amniga ayaa waxa uu tibaaxay in guud ahaanba xaalada nabadgalyada deegaanku ay marayso meeshii ugu saraysay ka sakow shacabweyanaha Deegaanka ee Dhadhansaday Horumarka ka dhashay xasiloonida ay dhamaanba Madaxda ugu saraysa DFI,Goloyaasha DFI,Ganacsatada Caanka ah iyo Madxda iyo Qaybaha Bulshada 8da Deegaan ay ka marg kaceen in Deegaanku ku talaabsaday Horumar xawli ah iyo N/galyo taam ah.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Carabaabay in Ciidamada gaarka ah ee Liyuupolice iyo shacabka Deegaanka oo iskaashanayaa in ay wakhtixaadirkan wadajir uga shaqaynayaan Arimaha Horumarka,Xidhiidhka Bulshada iyo Sugida amniga Deegaanka laga soo bilaabo xuduudaha loona baahan yahay in la sii xoojiyo dadaalka Waxqabad iyo ka hortagida wax kastoo carqalad ku noqon kara amniga deegaanka ayuu yidhi.

Mudane C/laahi ayaa ku booriyay Dhalinyarada loo soo xulay Arimaha Qaabilaada iyo soo dhawaynta Martida Xuska in ay u guntadaan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen Hawshaas ka turjumaysa Dhamaanba Deegaanka muujiyaana Maamuuska Sharafeed,Martisoor iyo Dhaqan ee ay Qowmiyada soomaalida itoobiya caanka ku tahay si wayna loo sii xoojiyo Amniga

Dhanka kale waxaa isaguna kulankaasi ka hadlay ku-xigeenka komishinka booliska DDSI general Maxamed Qayo wuxuuna sheegay in deegaankeenu uu tartan ugu jiro sidii uu u soo bandhi lahaa Munaasabad iyo jawi ka sii sareeya Dhamaanba munaasabadihii hore ee Deegaanada kale lagu qabtay sidoo kalana looga fadhiyaa Dhalinyarada loo soo xulay in ay ka shaqeeyaan Qaabilaada iyo soo dhawaynta Ergooyinka iyo wufuuda kala duduwan Nidaam haboon,Firfircoon kuna dheehan tahay hawlkarnimo iyo Maamuus sharafeed oo muujinaya qiimaha iyo quruxda Dhaqanka Deegaanka ayuu yidhi.

Dhalinyaradii laga soo xulay xaafadaha jijiga oo loogu tala galay soo dhawaynta qoomiyadaha shucuubta iyo dadwaybga dalka itoobiya ayaa waxay iyaguna dhankooda balan qaadeen in ay siwayn uga soo dhalaalidoonaan