CIID MUBAARAK



 

      

Maxkamad La Saari Lahaa Madaxweynihii Dalka Masar ee La inqilaabay Maanta oo Hakad ku Yimid Ka Dib Markii uu Morsi Diiday Inuu Xidho Dharka Maxaabiista.

Madaxweynihii la inqilaabay ee Dalka Masar Maxamaed Morsi oo ay maanta ahayd Maalintii lagu balansanaa in Maxkamada Masar la soo Taago Isaga iyo Rag cul-culus oo ka mid ah masuuliyiintii Ururka Akhwaanul-Muslimiinta ee Doorashadii Dhacday ku guulaystay ayaa Maanta Hakad ku yimid Markii loogu taag-waayay Maxamed Morsi in uu xidho Huga Maxaabiista loo galiyo kuna Dooday in uu ilaa iyo hada uu yahayba Madaxweynihii Sharciga ahaa ee Dalka Masar ayuu ku muusanaabay,islamarkaana Xataa si juu-juub ah loogu maara waayay in loogu xidho Dharka Maxaabiista(Maan Bareey iyo Maan Bilaal Micnuhu).

Dhanka kale Waxaa Dhoobnaa Maanta Goobta Qorshuhu ahaa in maxkamad lagu soo taago Morsi taageerayaasha Madaxweynaha la inqilaabay iyagoona ku dhawaaqayay ereyo ay kaga soo horjeedaan Saraakiisha Xukunka Milatari ku inqilaabay Madaxweynihii Hore ee Masar kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Dhawaaqyada Muusanawga ahaa Madaxweynaha Sharciga ah waa Ninka aad Af-duubateen maxamed Morsi mana aqbalayno in aanu u hogaansano Xukun kusheeg ay Soo malmaluuqeen Gacan kudhiiglayaashii Xasuuqay Shacabka Xoriyadana ka Qaaday Madaxweyne Morsi.