Ramadan Kariim 



 

      

Shir-Wadareed Lagu Dardargalinayay Adeegyada Wakaaladaha Quwada Korontada iyo Isgaadhsiinta oo Ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Xarunta Xisbiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Novembar 06,2013.Xukuumada DDSI oo ka duulaysha qorshayaasha horumarineed uu uyaala ayaa waxay markasta diirada saartaa heerarka kala duwan ee ay marayaan qorshayaasha horumarineed, haddii ay tahay dhinacyada jidadka,isgaadhsiinta,korontada biyaha iyo dhamaan kaabayaasha Dhaqaalaha horumarineed, Haddaba waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka xarunta dhexe ee Xisbiga qimuqoraadiga shacabka soomalida itoobiya (XDSHSI) kulan lagu qiimaynayay heerka ay marayaan Adeegyada ay bixiyaan Wakaaladaha Heer-federaal ee ka hawlgala Deegaanka Soomaalida Itoobiya sida isgaadhsiinta (Ethiopian-telecommunication) iyo Wakaalada quwada korontada ( Ethiopian Electric power corporation).

Kulankan ayaa uu Hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Xoghayaha XDSHSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar iyo wasiir ku-xigeenka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka mudane Axmed Shukri sidoo kalana ay Goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen la taliyaha madaxwaynaha dhinaca horumarka md ilyaas Cumar,madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI md ahmed shugri.

Dhanka 2da wakaaladood ayaa ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiintooda Sare oo ka yimid magaalada addis-ababa iyo Madaxda wakaaladaha ee DDSI ka hawlgala. Kulankan oo qiimayn ahaa ayaa si gaar ah diirada loogu saarayay Heerka ay Gaadhsiisan yihiin Fulinta Qorshayaashii Balaadhinta,Dayactirka iyo Fidinta Adeegyada ay bixiyaan Wixii ka qabsoomay gaadhsiisan yahay,waxaan Qabsoomin oo fuudhkooduna ahaa Qorshayaashii ay wadajirka u dhitaysteen Xukuumada iyo Wakaaladahani.

Mudane C/laahi yuusuf weerar oo Furay shirkan ayaa Sharax dheer ka bixiyay Qorshayaasha Horumarineed ee ay Xukuumadu ugu talogashay in ay Mudo gaaban ku gaadhsiiso Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Qorshayaasha wakaalada Isgaadhsiinta iyo Wakaalada Quwada Korontada Deegaanka,islamarkaana idmay in Madaxda Wakaaladuhu soo bandhigaan warbixinta Heerka waxqabadkooda,waxaan u qabsoomin iyo Caqabadaha Rubaca 1aad ee sanadkan.

Masuuliyiinta shirkada isgaadhsiinta oo ugu horayntii soo bandhigtay qorshihii waxqabadkii rubucan hada dhamaaday(1st Quarter) ayaa sheegay in ay guulo waawayn ka soo hooyeen dhinaca isgaadhsiinta iyaga oo sheegay in ay Gobolo iyo Degmooyin uuna wakhtigii hore aynan ka shaqayn jirin aalada isgaashsiinta Casriga ah ee moobilku in hada ay si Habsamiya uga shaqeeyaan lagana hirgaliyay sida Gobolka Afdheer iyo Gobolka Wardheer inta ka hadhsana ay dhawaan soo afjaridoonaan ayuu yidhi.

Dhanka Kale Masuuliyiinta Wakaalada Quwada Korontada ayaa iyaguna soo bandhigay waxqabadkii u yaalay rubucan 1aad ee Sanadkan iyagoona tibaaxay in ay si wanaagan ay u hirgaliyeen qorshihii u yaalay kuna guulasteen in Magaalada Godey,Fiiq iyo Meelo kale laga hirgaliyay laydhka 24ka saac iyadoona Mashruuca Quwada Korontada 24ka saac ee Magaalada Godey Dhawaan xahiga laga jari doono ayuu yidhi.