Shirkii Jubbooyinka ee Gogashiisu Fidsanayd Magaalada Xamar ayaa Maanta La Soo Gunaanaday War-saxaafadeed 6 Qodob Ka Koobana Laga Soo Saaray.

Sida Wariyahayaga Geeska afrika uu ka soo shalwiyay Hotel Jaziira ooku yaala Magaalada Xamar ee ay DFS ugu fidisay Dhamaanba Waxgaradka,Hogaaminta Dhaqanka iyo Maamulka Jubba Gogol Nabadeed oo Dhidibada u sii aasta Maamulkii ay Dhawaan ku yagleeleen Shir Mudo socday Jaamacada Magaalada Kismaayo oo Lagu Doortay Madaxweyne iyo Kuxigeen. Shirkan ayaa ay ka sakow ergooyinka iyo Maamulka Jubaland ay ka soo qayb-galeen, Madaxweynaha Soomaaliya, Golaha Wasiirada DFS intooda badan,Xildhibaano, saraakiisha ciidamada, diplomaasiyiin ka kala socday dalalka Dariska ah ee ku bahoobay IGAD kana mid ahaayeen Ethiopia iyo Kenya, UN, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah dalalka daneeya umuuraha Soomaaliya iyo waliba Ergooyinkii shirka uu quseeyay.

Madaxweynaha dawladda faderaalka, Xasan Sh. Maxamuud ayaa soo xidhay shirkan ilaahayna uga baryay in Dhamaan Bulshowaynta Jubbooyinka Bogooda Burcad isu mariyo,iyadoona madashan Qalinka lagu duugay(sixiixay) war-murtiyeed ka kooban lix qodob.

Heshiiska waxaa sixiixay lix xubnood oo matalaysay maamulka Jubba, shantii xubnood ee madaxtinamada Jubbaland isku-magacaabay, Maxamed Amiin oo kamid ahaa mucaaradka laakiin aan isagu sheegan Magac madaxweyne is magacaabay, wasiirka arimaha Gudaha, Cabdikarim Guuleed iyo Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee maamulka Jubba, Sh. Axmed Maxamed Islaan(Sh.Axmed Madoobe).

Halkan Ka Dheeho war-saxaafadeedkii ka soo baxay Shirka Jubbooyinka ee Madashiisu ahayd Magaalada Xamar.