Ramadan Kariim 



 

      

Wakalada Naqshadaynta iyo Daraasaadka DDSI oo Soo Gabagabaysay Naqshadii iyo Daraasaadkii Wadooyinka Isku xidha Fiiq iyo Degmooyinka Mayu,Salaxaad iyo Lagahida.

Nogob(CakaaraNews) Axad Nov,10.2013:- Xukuumada Maanta Caynka u haysa DDSI ayaa intii ay jirtay waxa ay u guntatat sii Bulshada Deegaanka looga samato-bixin lahaa dhibaatooyinka soo jireenka ah ee soo daashaday shacabka gaar ahaan mushkiladaha ba’an ee ay kala kulmi jireen Biyo la’aanta iyo Jid la’aanta caqabada ku ahayd dhanka isu-talawga.

Hadaba Xukuumada DDSI ee hatan haysa hogaanka maamuleed ayaa 3dii sano ee ugu danbaysay waxay Dhexda u xidhatay Sidii ay Shacabweynaha Deegaanka uga samato bixin lahayd la’aanta helidabiyo nadiifa iyo Caqabadaha ay kala kulmaan Isu-gooshida sababtu u tahay wado Xumada ama wado la’aantu. Xukuumada ayaa 3dii sano ee tegay Natiijooyin iyo Guulo wax ku oola ka soo hoysay in Deegaanada Qaar ay ka haqab beelaan helida biyo nadiifa lagana Qoday Deegaano ka mida DDSI Ceelkii ugu dheera Itoobiya oo laga gun gaadho biyaha Dhulka hoostiisa ku jira.

Gobolka Nogob oo inti ka horaysay 3 sano lagu tiring jiray Deegaanada ugu liita Dhanka horumarka ayaa Maanta ka mid ah Deegaanada uu Horumarka xawliga ah ka Hirgalay ee Muunada u noqday Gobolada Deegaanka qaar islamarkaana markii ugu horaysay marka laga reebo Gobolka Faafan Heshay Quwada Korontada Laydhka 24ka saac oo kafeeyay Degmada Fiiq iyo nawaaxigeeda Madaxweynaha DDSI iyo Wafti heer DFI ay socdaalkii la magic baxy ilays iyo Iftiin Xadhiga kaga jareen.

Dhanka kale Xukuumanta maant ajirta ayaa Xooga saartay sidii Nogob u soo gaadhsiin lahayd Dhanka horumarka Deegaanada kale wallow ay dhaafeenba iyadoona xukuumadu Qorshaysay sidii looga saari lahaa Shacabka Nogob wado la’aanta Dhanka isu-gooshida Caqabadaha lagala kulmo. Booqashadii Madaxweynaha DDSI iyo waftigiisii ku soo mareen Gobolada Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Liibaan ee loogu magic daray socdaalkii Ilays iyo Iftiin iyo Nolol iyo Rajo Rumays ayaa uu Madaxweynuhu Indhihiisa ku soo arkay Heerka wado xumida iyo dhibaatooyinka Aasaaasiga ah ee ka jira Deegaanadaas,islamarkaan Idmay in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto Wadooyinka Dhismaha iyo wadooyinka iskuxidha Gobolka Nogob gaar ahaan Mayu,salaxaad iyo lagahida oo wareeg dheer u soo mara Masaafooyin Dheer Fiiq.

Wakaalada Naqshadaynta iyo Daraasaadka Deegaanka oo ka duulaysa fulinta Awaamiirtii madaxweynaha Dhanka Dhismayasha Jidadka iyo Buundooyinka xiligii uu ku jiray Socdaaladii Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo Rajo Rumays ayaa Guud ahaanba soo gabagabaysay Naqshadii iyo Daraasaadkii Buundad isku xidha Degmada Fiiq iyo Mayu. Sidoo kale Wakaalada ayaa Dhamaystirtay Naqshadii iyo Daraasaadkii Buundada Wangay ee isku xidha Xamaro,Salaxaad iyo Degmada laga-Hida oo degmada xamaro u jirta 45 km.

Wakaalada Naqshadaynta,Daraasaadka iyo dabagalka Deegaanka ayaa markii ay soo dhamaystirtay Naqshadii iyo Daraasaadkii looga baahnaa suurtogalinta Dhismaha Buundad Mayu ay Ku Guulaysatay Dhismaha  Buundad Mayu ee La isaga goosho ama isku xidha Xamaro iyo Mayu Wakaalada Jidadka ee DDSI oo wakhti xaadirkan Gudagashay Fulinta iyo Dhamaystirkeeda