Ogaysiis:-Hogaaminta Jaaliyada DDSI ee UK ayaa Dhamaanba Qaybaha Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Deegaanka Kuna Dhaqan UK Ka Soo Qaybgalka Munaasabada Xuska maalinta Hidar 29.

Ogeysiis:(London*CakaaraNews) Dhamaan Jaalliyadda Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Ee KuDhaqan Wadanka UK iyo nawaaxigiisa Waxaa si xushmadi ku dheehan tahay Loo Ogeysiinayaa Inaad Ka Soo Qayb Gashaan Munaasabada Xaflada Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya Hidar 29 oo ka Dhici doonta London.

Munaasabada Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer-Itoobiya oo sanadkiiba mar lagu xuso Dalka iyo Dibadaba ayaa Sannadkan waxaa nasiib uyeeshay in ay Marti galiso Xukuumada DDSI laguna Maamuuso Magaallo Madaxda Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Bildhaan-Qurux Jigjiga.

Kadib markii uu Deegaanku ku talaabsaday isbedelada xawliga ah dhanka Horumar,Maamul-suuban iyo nabad-galyo Balaadhan Mudo yar taasoo marag madoonto ah lagana wada markhaati kacay. Xuskan ayaa Sanadkiiba mar lagu qabtaa meel kamid ah Dalka ayadoo lagu muujiyo Sinnaanta,Cadaaladda iyo Kaladuwanaanshaha Dhaqamada Shucuubta Dalka Itoobiy,arinkanoo ah mid uu Dhidibada u taagay Xisbiga Talada Dalkahaya ee EPRDF. Xusku Sanadkaan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Shacabweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya,Maadaama Sanadkan Xuska lagu qabanayo.MagaalloMadaxda Jigjiga.

Hadaba Waxaa Dhamaan Shacabweynaha DDSI ee Ku dhaqanDalka UK lagu wargalinayaa in Xafladaas dhigeedii laguqabanyo Safaarada Itoobiya ee Ku taala London, halkaas ooDhamaan Qowmiyadaha Dalku ka koobanyahay iyo Martisharaf heersare ah ay ka soo qeyb gali doonaan, waxaanaXafladan isku soo dubariday Daadihina doona Hogaaminta Jaaliyadda Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ka dhisan UK,Maadaama ay Sanadkaan ayagu marti galiyeen. Dhanka kale waxaa aan meesha ka maqnaani doonin oo doorkooda warbaahineed si toos ah uga qaadan doona Dhamaan Warbaahinta Caalamka oo uu ugu horeeyo Telefishanka ETV ayna kabaahin doonaan hanaan-socodka iyo Maamuuska isjacaylka walaalnimo ee Qowmiyadaha Xafladan.

Goobta ay Munaasabadu Ka Dhici Doonto:-17 Prince’s Gate,London SW7 1PZ (Safaarada Itoobiye ee London).

Taariikhda iyo Maalinta Ay Dhici Doonto:- Maalinta Axada ah eeDecember/8/2013.

Saacada Ay Bilaabmi Doonto:-11 Subaxnimowaxayna dhamaanaysaa 5 Galabnimo (11Am ilaa 5 pm).

F.G:-Wixii Faah Faahin ah waxaad la soo xariirikartaa: Xiriirirka Dadweynaha Jaalliyadda DDSI ee UK: Cabdulqadir ISmaacil :Tel: 07508867638 Hadaba yaan La Moogaan.