Guleed Aw Cali oo Si Buuxda Loogu Magacaabay Maareeyaha Wakaalada Naqshadaynta,Daraasadka iyo dabagalka DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Novembar 20,2013. Waxaa si rasmi ah Galabta loogu magacaabay Guleed Aw Cali kaahin oo ahaa Kuxigeenka Wakaalada ka dib markii maareeyihii hore laga qaadayna ku sii magacawnaa si ku meel-gaadh ah Xilka Maareeyaha wakaalada.

Hadaba Magacaabidan buuxda ayaa ay galabta camerada wareegta ee CakaaraNews ay il-qoodhka ka aragtay warqada magacaabida Maareeyaha Guud ee Wakaalada Naqshadaynta,Daraasaadka iyo Dabagalka DDSI oo loo magacaabay Guuleed Aw Cali kaahin.Dhanka kale Waa Kuxigeenka Wakaalada isna loo Magacaabay Maxamed Cabdi(Haadi) oo ahaa Mareyaha Shirkada iibka iyo Dhismaha Ciidamada Gaarka ah.

Isku Soo wada Duuboo Maadaama Qorshayaasha ugu waawayn ee Xukuumada DDSI Dhanka Naqshadaha iyo Hirgalinta Dhismayaasha Mashaariicaha Horumarineed iyo Helida Biyo nadiif ah ay Lafdhabar u tahay Wakaaladani ayaa ay Xukuumadu u Xoojisay Hogaaminta sare ee Wakaaladan Haadina looga soo Qaaday Shirkada Dhawaan uun loo Magacaabay.