Ramadan Kariim 



 

      

Hay’ada Socdaalada u Qaabilsan QM(IOM) oo Qado-sharaf Ku Macsuuntay Madaxda DDSI.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Khamiis Nov 21,2013.Wariyahayaga ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa waxa uu soo shalwiyay warbixin ku saabsan shir shalay ka dhacay Magaalada Addis-ababa oo ay isugu yimaadeen Madaxda Afrika u Qaabilsan Laanta Socdaalada ee Qaramada Midoobay, Qurbajoog, Aqoonyahan iyo InjineeroSoomaali ah oo ka shaqeeya Dalka Soomaaliya oo kor u dhaafayay 65Qof iyo Kuxigeenka wasaaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid oo lagu macsuumay Qado-sharaf ka dhacday Hotel Saro-maria.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa mid ay Qaramada Midoobay ku doonayso wadatashi looga gol-leeyahay Nidaamka Xalinta Khilaafaadka,iskudhacyada iyo Colaadaha la soo Dersa Soomaalida Soomaaliya. Hay’ada Socdaalada Qaramada Midoobay (UNIOM) ayaa Ku Macsuuntay Qado-sharaftan Kuxigeenkii Wakaalada Qurbajoogta Todobaad ka hor loo soo badalay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI oo Maalmahan Shirar Heer-federaal ah Dhanka Caafimaadka u joogay Addis-ababa Maadaama Qurbajoogta DDSI ay Yihiin Dadka ugu horeeya Dhinac kasta Ka Qaybgalka iyo kaqaybqaadashada Hawlaha Qaran ee Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban si uu warbixin iyo Dhiirigalin u siiyo Guud ahaan Qurbajoogta gaar ahaana Qurbajoogta Saoomaalida Soomaaliya ee aynu wadaagno Luqada,Dhaqanka iyo Xuduuda Dheer si Qurbajoogta Soomaaliya ay ugaga Faaiidaysato Khibrada iyo Nidaamka ay Qurbajoogta DDSI ku hiigsadeen Natiijada Wanaagsan.

Cabdifataax Siciid Ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka DDSI ayaa Si Xeel-dheer ugu Qaadaa-dhigay Heerka waxqabadka iyo Xidhiidhka Xukuumada DDSI,DFI iyo Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka ee ku nool Daafaha Dunida Gaadhsiisan yahay iyo Dadaalkii Safarada Dhaadheeraa ee ay Xukuumada oo uu Hormuud u ahaa Madaxweynaha DDSI Mudane CMC u galeen sidii loo sugi lahaa Abaabulka iyo Xidhiidhka Qurbajoogta Dhanka ka Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba. Mudane C/fataax ayaa Sharxay in ay kaalintan kudayashada Mudan ee ay Tusaalaha ama Hormuudka ugu Noqdeen Dalka iyo Geeska Afrikaba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobo lee uu ka kooban yahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay lafdhabar u ahayd Madaxweynaha DDSI oo Guntaday Sidii uu Qurbajoogta 5ta Qaaradood kula soo yeelan lahaa Fagaarayaal wadatashi Guulihii iyo Midhihii ka dhashayna uu Maanta Noqday Muunada Hormuudka Kudayashada Mudan.

Warka ayaa intaa ku daraya In Kuxigeenku uu uga Waramay Qorshayaasha Furfuran Madaxweynaha DDSI uu ku hagayo Deegaanka iyo Dhanka Maalgashigaba oo Cidkasta u ogolaanaya Garabna ku siinaya Cidkasta oo Damacda in ay Deegaanka Maalgashato,islamarkaana islagoobta ugu sheegay in uu Casuumaad uga Sido Madaxweynaha DDSI in ay Soo booqdaan Deegaanka Qurbajoogtani Balse Kharashka ay Qaramada Midoobay ka bixiso. Madaxda ka soo Qaybgashay Qado-sharaftan oo ka kala socday wadamo badan ayaa kala ahaa

1. Ali Abdi UNIOM Somalia Country Director

2. Jo Rispoli UNIOM South Africa Country Director

3. Josiah Ogina UNIOM Ethiopia Chief of Mission, representative of African Union, ECA And Igad

4. Book Asmelash UNIOM Ethiopian Programme Coordinator.

5. Frantz Celestin UNIOM Program manager.

Isku soo wada Duuboo waxaa Gunaanadkii la isku afgartay In ay hay’ada Socdaalada Qaramada Midoobay(IOM) in ay Deegaanka Somalida Itoobiya ka Caawiso maalgalinta Barnaamijka ay Soomaaliya ka wado mid la mid ah oo ah sidii Aqoonyahanka iyo Qurbajoogta u Dhalatay DDSI sidii Xirfadooda iyo Dhaqaalahooda ugugu Faaiidayn lahaayeen Shacabkooda waanay ogolaadeen,sidoo kalana in IOM ay Diyaariso Kharashyadii iyo Logisticskii ay ku booqan lahaayeen DDSI>