Wafti Sare oo Ay Hogaaminaysay Wasiirada Haweenka,Dhalinyarada iyo Caruurta DFI oo Dhigeeda DDSI ku Soo Dhawaysay Wiil-Waal Airport.

JIgjiga(CakaaraNews) Sabti Nov,23,2013.Waxaa maanta ka soo degay Gagida Dayaaradaha ee Garaad Wiil-waal Airport Wufuud sarsare oo ka soo kala Qoob-qaaday Garoonka caalamiga ah ee Bole International Airport ee Magaalo Madaxda Dalka

Wufuudan maanta lagu soo dhaweeyay Dhabaha Diyaaradaha Caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal Airport ayaa Mid ka mida uu ahaa Wafti Sare oo ka socday Wasaarada Arimaha Haweenka,Dhalinyarada iyo Caruurta DFI oo ay Hogaaminaysay Marwo Zenebu Tadase W/sadik oo ah Wasiirada Xafiiska kuna wehelinayeen 2deeda Kuxigeen Yayesh Tesfahunayeh iyo,iyadoona ay halkaas si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen wasiirada Arimaha Haweenka,Caruurta iyo Dhalinyarada DDSI Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe,Kuxigeenka Mudane Rashiid Bacdaar,Qaybaha Haweenka Deegaanka iyo Gabdho yar yar oo ubax Qoorta u galinayay Wasiirada Heer Federaal iyo waftigeeda.

waftigan ayaa Maanta Booqday Goobta ama Tuulada Dhaqanka ee Loogu magacdaray kali iyo Machadka Maaraynta halkaas oo ay Wasiiradu hadal ka jeedisay iyadoona ugu horayn Tilmaantay Doorka Haweenka DDSI ay ka qaateen Dhismayaasha Aqalada Dhaqanka ee KALI tibaaxdayna sida uu deegaanku mudo yar Horumarka baaxada wayn ugu talaabsaday Sida Airportiga,Wadooyinka Laamiga ah,Kuwa laga sameeyay Dhagaxa Qoran,Fooqaqa Teedsan wadooyinka waawayn iyo sida baaxada wayn ee loogu diyaargaroobay Munaasabada Xuska Maalinta Qowmiyadaha Hidar 29.

Marwo Zenabu ayaa Sheegtay in Socdaalkoodu ku wajahan yahay Dardargalinta Doorka Haweenka,Dhalinyarada iyo Caruurta taasoo Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu qabanayo Shir Heer Qaran iyo Heer Caalamiba ah oo ay ka soo Qaybgali Doonaan Dhamaanba Deegaanada DFI iyo Wufuud heer caalami ah ayay Tidhi.