CIID MUBAARAK



 

      

Gudoomiyaha Guurtida Waqooyiga Ameerika oo Ku Baaqaya Ahmiyada Balaadhan ee ay Ku Fadhido Maalinta Hidar 29.

Waxaa khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay Gudoomiyaha Guurtida Waqooyiga Ameerika Mudane Cabdi Maxamed(Shuuriye) isagoona u bayaaminaya Ahmiyada Balaadhan ee ay Ku fadhido Xuska Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Hidar 29 ee Fooda inagu soo haysa.

Mudane Cabdi Maxamed (Shuuriye) ayaa ugu baaqaya Dhamaanba Qaybaha Qurbajoogta Wadar ahaan ka soo jeeda 9ka Deegaan ee ay DFI ka kooban tahay Gaar ahaana Qowmiyada Soomaalida Itoobiya ee Ku Dhaqan Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigeeda in Maalintan Qiimaha Badan oo sugtay Xuquuqaha Dhamaanba Qowmiyaadaha,soo noolaysay Walaalnimadii Qowmiyadaha,Xididada u siibtay is-xaqiraadii iyo Sadbursigii salmugiina ay dhamanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya Wadar ahaan Dhaxalka uga Dhigteen Dastuur xeerinaya Dhamaanba xuquuqaha Qowmiyadaha,kobcinta Dhaqanka iyo Luqada,Xaqsoor Cadaaladeed,isjacayl iyo Midnimada Shucuubta Walaalaha ah.

Gudomiyaha ayaa ugu baaqaya Dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay kuna dhaqan Cariga Maraykanka in ay ku muujiyaan Midnimadii iyo iskuduubnidii looga bartay Qowmiyada Soomaalida iskuduubni iyo wadajirna loogu wada Xuso maalinta Qiimaha iyo Qadarinta uleh Guud ahaan Dalka Itoobiya Gaar ahaana Qowmiyada Soomaalida Itoobiya ee ka bogsatay Dibindaabyadii,xaqiraadii,Dibudhacii iyo Cadaadiskii ba'naa ee ay Dhaxalsiiyeen talisyadii Faashiistiga ama Dhiigyacabka ahaa ee MIngistu iyo xayle-selase ay Muqdas Qaran inoo tahay in aynu ka Turjuno Micnaha iyo Ahmiyada balaadhan ee ay Wadar ahaan Inoogu fadhido Xuska Maalinta Hidar 29 ee 7da Bisha ka Dhici doonta Minniapolise aynu Wadar ahaan uga Qaybqaadano ayuu yidhi.

Waa maalintii Midnimada,isqadarinta,isxurmaynta iyo Isjacaylka walaalnimo ee Dhamaan Qowmiyadaha Gaar ahaana Soomaalida Itoobiya ayaa uu ku soo Gunaanaday.

Isku soo wada Duuboo Mudane Shuuriye ayaa uu hadalkiisu ku salaysnaa Muujinta wadar ahaaneed iyo Shucuurta Midnimada Qowmiyadaha iyo Shucuubta ee Ku wajahan Xuska maalinta Hidar 29 in ay Tahay ul iyo Diirkeed wadajir lagumuujinayo.