CIID MUBAARAK



 

      

Maamulka Magaalada Qabri-dahare Abaabulka Bulshada,Nabadgayada iyo Kaqaybgalka Horumarka Dhinaca Maalgashiga oo Meel Fiican Maraya.

Qabridahare(CakaaraNews) Jimce Nov29,2013.Waxaa Magaalada Qabridahare ka socda hawlo balaadhan oo lagu Dhiirigalinayo Doorka maalgashiga oo ay Xukuumadu u diyaarisay Dhul ku haboon kaalinta mashaariicaha Maalgashiga ka dib mrkii Ciidamadii Qaranka ee Xeryahooda Ciidameed ku yaaleen Gudaha Magaalada Heshiis iyo Magdhaw ka dibna laga saaray oo la geeyay Goobo ka baxsan Magaalada si ay u fido Magaalada Qabridahare.

Hadaba Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa ku guda jira hawlo balaadhan oo lagu Dardargalinayo Abaabulka iyo Wacyigalinta Bulshada sidii ay Doorka kaga aadan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuan uga Qaadan lahaayeen,iyadoona ay Bulshadu garwaaqsatay kaalintooda Heer aad u fiicana maraya maanta marka laga Dhawro Dhismayaasha ay Shacabku ku soo kordhiyeen Bilicda Magaalada iyo sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiinba Maamulada iyo Hayadaha nabadgalyada Waxaana sheegay Sidan Mayorka kumeelgaadhka ah ee Maamulka Magaalada Qabridahare Mudane Cabdi Xasan.

Mudane Cabdi Xasan ayaa intaa ku daray in ay Meel wanaagsan umarayso Diyaarinta Dhulka Maalgashiga loogu Talogalay oo ah Goobihii Xeryaha u ahaa Ciidamada ee ku yaalay Gudaha Magaalada Taasoo Mudooyinkan ka Hortaagnayd Fiditaanka Magaalada iyadoona ay Xukuumada DDSI ku Guulaysatay in ay Ciidamada ka rarto Ubucda Magaalada ayuu yidhi.

Dhulkan ka mid ahaa Goobihii Ciidamad Deganaayeen ee aanu Diyaarinay oo ay Baaxadiisu aad u wayn tahay ayaa loogu talogalay Maalgashiga Taasoo wax wayn ka tari doonta Bilicda iyo Quruxda Magaalada Qabridahare ayuu Yidhi Mudane Cabdi Xasan.