Ramadan Kariim 



 

      

Xog Dheeri ah "Tarxiilkii Cadar Axmed Kaahin".

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin Dec 02,2013:- Sidaanu hore idiinku balanqaadnayba waxaad naga sugayseen ama ka dhur-sugaysen in aanu soo tebino hadba faahfaahin dheeriya waxaanu ka helno asbaabaha ka danbeeyay Masaafurintii Xawliga ahayd ee Xalay lagu Dhaafiyay magaalada Jigjiga fanaanadii Cadar Axmed Kaahin Beerka Jecli Xaydha Jecli ku sifoowday.

Kaameerada Il-qoodhka wax ka daalacata ee cakaaraNews ayaa Idiin soo heshay Xog Dheeri ah oo ku saabsan sababaha kalifay in cadar Axmed kaahin iyadoon Nasan Qadaadka La qabto lagana Masaafuriyo Magaalada Jigjiga.

Ilo-wareedyo aanu la xidhiidhnay Saaka ayaa si Duuduub ah noogu sheegay in Tarxiilka Cadar Axmed loo cuskaday Qodobo ay ka mid ahaayeen 1-Cadar Axmed Kaahin in uu Gal-dacwadeed ku saabsan Deymo Lacageed iyo Hanti in uu ka yaalay Maxkamada 2-iyo in maxkamada shareecada islaanka oo dabajoogtay arimo la xidhiidhay Dhaqan-Xumo aan Da'deedii ama Cimrigeedii Joogin oo ay Ku Kacday safarkeedii kan ka horeeyay ay Warantyga Tarxiilka ah u soo jareen Markay Ogaadeen in Dabinkii ay la sugayen Mudada u soo Gashay.

isku soo wada soohoo Wixii danbe ee faahfaahin dheeriya ee ka soo baxda isha ku haya cakaaraNews iyo Kaamerada Ilqoodhka.