Deg-Deg: Rijmantiga 10aad oo Hawl-galkii Sifaynta Qorofyada Daakhato Indhaha Ugu Shiday Cabdi-Caassi oo Ay UBBO u Taqaanay Cabdi-Cissi.

Daakhato(CakaaraNews)Waxaa Goor Dhawayd uu taliyaha Rijmantiga 10aad ee Ciidanka Geesiyiinta Liyuu-police ee ku sugan Qorfyada Daakhato uu Noo Xaqiijiyay in ay Indhaha u shideen Shiftay Cabdi-Caassi oo ay UBBO u taqaanay Cabdi-Cisi gacantana lagu dhigay Qaar kale iyo Document ay waayadanba kula dhuumanayeen Qorofyada iyo laagaha Daakhato.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay waayadanba ay hawlgal balaadhan oo lagaga Sifaynayay Dhawr naf la caari ahaa oo ka hadhay Qawlaysatadii Gabaabsatay ee UBBO Mudo Bilooyin ahna ku dhuumaalaysanayay Laagaha Daakhato ka Dib markii ay Waayeen afaaf ama suryo ay kaga firdhadaan ka dib markii Xayndaab adag kala kulmeen Liyuupolice.

Shacabka oo waayadan Danbe ka raystay Hagar-daamooyinkii UBBO Dibna u kash-kaashtay Aqaladoodii iyo Nolol Xasiloon oo Bidhaamisay Horumar-dawladeed oo bartooda ugu yimaada ayaa Markii ay arkeen Dhawr UBBO ah oo ka soo hadhay Jabkii Been-quutayaashii oo ku dhuumaalaysanayay Qorofyada laagaha Daakhato ayaa ay Rijmantiga-10aad ee Ciidanka Geesiyiinta Liyuupolice ku soo wargaliyeen halkaasoo Buraashada ay u dhaansadeen in ay Cimrigiisa Soo gaabiyaan si uunan Dib danbeDhibaato Shacabka ugu gaysanin.

Ciidanka Rijmantiga 10aad oo ka mida Ciidamada Salka u Dhigay Nabadii Sirin-sirqowday Beri ayaa ay hawlgalkii Sifaynta Qorofyada Daakhato ay Gosha lagu magacaabo WALEENSI Indhaha ugu shideen Maanta UBBO Cabdi-Caasi oo ay UBBO ugu Yeedhi Jirtay Cabdi-Cissi oo ahaa Nin Gumaad,Kufsi ba'an,Dhac iyo Boob ka gaystay Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Gobolada Faafan iyo NOgob.

Isku Soo Wada Duuboo Cabdi-Caasi oo Waayadan Damacsanaa Mar Hadii UBBO gabalkeedii Dumay in uu tabtaysto Dhul-jiifnimo iyo Dhaca Shacabka ayaa ay ku Haleeshay Gosha Waleensi ee Laagta Daakhato Xabada Shiishkeeda la Hubo ee Xaq u Dirirka Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-Police Indhaha ugu Shideen Cabdi-Caassi.

Wixii warar dheeri ah ee ka soo kordha,Sawirkiisa iyo Documentiyada laga helayba Dib kala soco.

UBBO-Jabaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay. UBBO La-Gunaanadyeeeeeeeeeeeeey

UBBO Dawarsataaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay .

Guuuul Ciidamada Geesiyiinta ah ee Dabar Jaray UBBO.