CIID MUBAARAK



 

      

Xukuumada,Gobolada DDSI,Maamulka M-JJ iyo Shacabka Magaalada Jigjiga oo wadajir kal iyo laab ah ugu Soo Dhawaynaya Farxada Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya.

Jigjiga(CakaaraNews) Dec 05,2013.Waxaa Shalay,Xalay ilaa Maanta Ku Soo Qulqulaya Magaalada Jigjiga Wufuuda iyo Ergooyinka Qaybaha Bulshada ee ka Imaanaya Dhamaanba Deegaanada DFI halkaasoo ay Shacabweynaha iyo Maamuladuba ay Heegan ugu jiraan Saacad kasta oo ay soo galaanba iyadoona xalay saqdii dhexe ay soo galeen 10 Bus oo wawayn iyo Baabuur yaryar oo ay saarnaayeen Wufuudii Gambela,shucuubta- Koonfureed, Tigree, Oromiya,Amhara iyo Qaar kale.

9ka Gobol ee DDSI ayaa uu Gobol kastaa u xilsaaran yahay Soo Dhawaynta iyo Qaabilaada Deegaanada Sida Gobolka Shabeele oo u Xilsaaran Soo Dhawaynta Waftiga Shucuubta Koonfureed,Gobolka Afdheer Canfar,Gobolka-Qoraxay Tigreega,Gobolka-Jarar Binshangul,Gobolka-Sitti Oromiya,Gobolka Doollo iyo Nogob Shucuubta Koonfureed iyo Hererida,Gobolka Liban Gambeela iyo Gobolka Faafan oo ku Qoran Soo Dhawaynta Wufuuda Maamulka Deegaanka Amhara.

Qaybaha Bulshada,Kooxaha Dhaqanka Dhigooda ee Gobolada DDSI ayaa Maanta Dareen Farxadeed iyo Muujin Dhaqamadooda iskuweydaarsanayay Tuulada Dhaqanka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Loogu magacdaray Tuulada-KALLI Batarka,Boodada,Dhaantada,Walaytaaga,Guraagada,Oromiya,Canfarta aynu DariskaNahay Hererida Dhaqnka Suuban,Shucuubta Koonfureed ee Kalgacalka ku wada nool iyo Amxaarada qadiimiga ah.

Qurux Badanaa Ma waxaanad Arkayn Dhalinyarda DhaqankaGobolka Nogob iyo Dhalinyarada Shcuubta Koonfureed oo Dhexda isu qabsaday Rag iyo Dumarba Isjacaylka iyo kalsooni ku-wadaaga Dhaqameed. Shaki kuma jiro in Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cod buuxa kaga heleen Dhamaanba Deeaanada DFI Shahaado Sharafta Marti-soorka iyo Soo Dhawaynta martidee Gobol kastaa Wuxuu iskii isugu xilqaamay Marxabaysiinta Martida Deegaanka kusoo aaday Maxaa macawis loo Guntiyay,Shaal lagu Hagoogay ama Dirac iyo Foodad Noocyada ugu Danbeeyay ah Gacanta loo Galiyay kana Maqsuudeen Walow ay ka sii Baaxad wayn tahay Martisoorka ay Xukuumadu ugu talo-gashay Martida.

Kala-Duwanaan-shaheenu waa Astaanta Quruxdeena,Hugeena, Is-jacaylkeena iyo horumarkeena.ha waaro Abidkii Xuska Maalinta Qowmiyadaha shucuubta iyo dad-yawga kala duwan ee dalka itoobiya. Xusuus Qarameed Maalinta Hidar 29 oo Naga Dulqaaday Heeryadii Dibudhaceed iyo Cadaadiskii talisyadii Faashiistiga ahaa.

Isku Soo wada Duuboo Caawa ayaa Ay magaalada Jigjiga ka socdaan Golayaasha cawayska bandhig-masraxeed ay Kooxaha Dhaqanka iyo Heesaha 9ka Deegaan ku soo bandhigayaan Shacabkuna Buuxdhaaiyeen Gole-Masraxeed kasta"dadka Soomaalidu Goormay Sii barteen Ciyaar-dhaqameedka Tigreega, Oromada, Amhara, gurage, walayta, Hererida,canfarta,gambelaaga" Mise Intii Xukuumadu Diyaargarawga ku jirtay Shacabka Soomaalida Itoobiyana waxay isu sii Xilqaameen Qadarinta Dhaqamada iyo Sii Barashada Ciyaar-dhaqameedka Qowmiyadaha.