Ramadan Kariim 



 

      

Soo Dhawayn Heer Sare ah oo Madaxweynaha DDSI iyo Golihiisa Capinetku Ay Maanta Ku Qaabileen Madaxweynaha Puntland iyoWaftigiisa(+SAWIRO).

Jigjiga(CakaaraNews) Siday Balanteenu Ahayd Waxaanu Halkan Idiinku soo Gudbinaynaa Qaabilaad aad u Heersaraysay oo Ay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Golaha Fulinta Xukuumada DDSI ay Ku Qaabileen Garoonka Diyaaradaha Wiil-Waal Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamed(Faroole) halkaasoo Ay Ubax Qadarin iyo Sharaf Mudan ay Qoorta ugu Galiyeen Gabdho u sii Diyaarsanaa Madaxweynaha Puntland. Dhanka kale waxaa Iyaguna Door aad Qiimo badnaa ka Qaadanayay Soo Dhawaynta Garoonka Maanta Kooxda Liyuu-band ee Looga hadhay Ciyaaraha Dhaqanka,Hal-abuurka iyo Maansooyinka.

Madaxweyne Faroole ayaa waraysi Kooban ku bixiyay Garoonka isagoona ka maadceliyay Soo Dhawaynta Qiimaha Badan Tilmaamayna in Xukuumada DDSI ay Tusaale iyo Ku dayasho Nidaam Dawladeed u Tahay Gobolka.