Ramadan Kariim 



 

      

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee garaad Wiilwaal International Airport caawa lagu Soo Dhaweeyay Wafti balaadhan oo Ay Hogaaminayeen labo wasiir oo DFS ah.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Dec 06,2013.Waxaa Si Diiran uu Fiidnimadii Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka Mudane C/fataax Maxamuud Xasan iyo Qaar ka Mida Golaha Fulinta Xukuumadu ugu Qaabileen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga Garaad Wiil-waal Airport Wafti Balaadhan oo ay Hogaamayeen wasiirka Warfaafinta DFS Mudane C/laahi Ciilmooge iyo wasiirka Ganacsiga DFS Mudane cumar c/ramaan oo ay wehelinayeena 32 Qof oo ka kooban Xildhibaanada dawlada Federalka Soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho.

Waftigan ayaa Ka Qaybgali Dooa Munaasabada Balaadhan ee Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer itoobiya eeMarkii 8aad ka Dhici Doona Maalinimada Axada ah Magaalada Jigjiga ee Xarunta DDSI,