Ramadan Kariim 



 

      

Dhamaanba Madaxweynayaasha 9ka Deegaan oo Maanta Booqasho ku Tegay Machadka Maareynta DDSI Amankaagna Ku Noqotay 4bilood oo.

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti 07-Dec,2013.Wafti Balaadhanoo uu Hogaaminayay madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Saaka Booqasho Balaadhan ku Tegay Dhismayaasha Cusub ee laga Dhex dhisay machadka Maaraynta(Management nstitute) ee Magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa madaxweynayaasha Deegaanada ka siiyay Sharax ku saabsanaa Mudadii lagu ebyay Dhismayaasha Baaxada Wayn ee sida Quruxda Badan ugu Teedsan Gudaha Machadka.

Madaxweynaha ayaa Sheegay in xiligii Dhismayaashan la bilaabay ay ku soo beegantay wakhti Guud ahaan Miisaaniyadii Xukuumada ee sanadkan 2006 la Qaybiyay loona Dhaadhiciyay ilaa heer Tuulo Walow Xukuumad ahaan iyadoon Miisaaiyadii Deegaanka ee la Qaybiyay aan Dib loogu noqon ay Xukuumada DDSI ku Guulaysatay in la Daboolo duunka lacageed ee ku baxday Dhamaanba Mashaariicaha Diyaargarawga Xuska Hidar 29 iyo Malaayiinta Ku baxaysa garoonka Diyaaradaha Magaalada Qabri-dahar ayuu Yidhi.

Dhanka kale waxaa Dhamaanba Madaxweynayaasha Deegaanada Dhakafaar ku noqotay Mudada lagu soo Gabagabeeyay Dhismayaasha Badan ee machadka Maaraynta laga Dhisay oo ah 4bilood kaliya.Dhegahayga ayaan ku maqlayay Mid ka mida Madaxweynayaasha oo Mobile kula hadlaya Masuuliyiintii Deegaankiisakuna leeyahay waxaan Booqasho u joogaa machadka maaraynta Jigjiga oo Sida loo Dhisay iyo Mudada lagu Dhisaya aad aad ula yaabayso oo ah 4bilood"Yigarmaal" ayuu lahaa.