CIID MUBAARAK



 

      

Xaflad Loo Wada Dhanaa oo Magaalada Melbourne Lagu Xusay Maalinta Hidar 29 +(SAWIRO).

Melbourne(CakaaraNews) isniin Dec 9,2013.Waxaa Ka Dhacday Melbourne Cariga Australia Munaasabad ay ka soo wada Qaybgaleen Dhamaanba Qurbajoogta ka soo Jeeda 9ka Dawlad-Deegaan iyo 2da Ismaamul ee ka Jira Dalkeena Itoobiya. Munaasabadan ayaa uu Ka Soo qaybgalay SaiirkaCusub ee Dawlada Federalka Itoobiya u Fadhiya Australia Mr Araga hailu Taffare oo aad uga Maqsuuday Sida Walaalnimada iyo Isjacaylka Qowmiyadeed Huwan eeay Munaaabadan u Soo Agaasimeen Gudiyada Qabanqaabada Jaaliyaadka oo ay Hormud u ahaayeen Jaaliyada Soomaalida Itoobiya.

Xafladan Balaadhan ee Lagu Xusay Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyoWalaalnimada Shucuubta Itoobiya oo markii 8aad Sanadkan Si aan Hore looga Xusin Dalka oo ka baaxadwayn Jigjiga markii 1aad Abid looga Xusay ayaa Habeenkaas Reer Melbourne uu u Daadihinayeen Faysal Ibraahin iyo Ina Aadan Yare.

Dhamaanba Qowmiyadaha ayaa Soo wada xidhay Dharka Hidaha iyo Dhaqanka u ah halkaasna ku soo Bandhigay Ciyaar-dhaqameedkooda Wadar ahaan iyo kali kaliba Quruxbadanaa Dumarka Qurbajoogtu Markay Xidhan yihiin Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Sida Soomaalida