Asli X.Cabaade"Asli Calan-Saxa(Hambalyo *** Hambalyo *** Hambalyo)

HAMALYO***HAMBALYO**HAMBALYO

Texas(CakaaraNews) Talaado Dec-10,2013.Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Jaaliyadda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Gobolkan (Texas), ayaa waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga soo wada direynaa, dhammaan Qawmiyadda Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Madaxdeenna ee uu hoggaanka u hayo Madaxwaynahayaga Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo dhammaan Qawmiyadaha kale ee isugu wada yimid Caasimadda Jig-Jiga.

Waxaa Xusuus Dahabi ah Iyagoo halkaa ku wada xafladeeyeen Dhamaanba Qowmiyaaha kala Duwan kuna soo bandhigeen bandhigyo kala duwan oo Muujinaya Dhaqamada dalka ka jira, waana markii ugu horreysay Qawmiyadaha kala duwan haddana ka wada tirsan Waddanka Itoobiya, oo ay isugu yimaaddaan Caasimadda Jig-Jiga ee Deegaanka Dawladda Soomaalida Itoobiya taasooy Munaasabadii Xuska Hidar 29 ee ka dhacday Jigjiga Noqotay tii gu Qiimaha badnayd ee dalka ka dhacda.

Taasoo marka hore aan Ilaahay (s.w.t.) ugu mahadineyno, marka labaadna mahad ballaadhan u soo jeedineyno Madaxwaynahayaga Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Ilaahay (s.w.t.) inoo dooray, iyo Madaxwayne-ku xigeennadiisa, Wasiirradiisa, Wasiir ku-xigeennadiisa,Maareeyayaashiisa,Saraakiisha, Ciidammada Qalabka sida(Liyuu-police), iyo dhammaan Shacabka Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee u wada istaagay soo dhawaynta Martida sharafta leh ee ka kala yimaaddeen Qaaradaha Adduunka iyo Dawladaha Dariska la’ahba.

Waxaannu aad iyo aad ugu faraxsannahay Madaxwaynahayaga Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, oo u soo hooyiyay Nabadgelyo, Horumar deg-deg ah, Sharaf iyo haybad wayn Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo dadaal dheer u soo maray Sannad-guuradan 8aad ee Hidar 29 ka, sidii ay ugu qabsoomi lahayd Caasimadda Jig-Jiga.

Haddaba Mudane Madaxwayne anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Gobolkan (Texas), ayaannu kuu garannay Mudnaan wayn oo aad xaq u leedahay. Mudnaantaasoo ah in lagu guddoonsiiyo Billad (Geesi-Nabaddoon ) oo Dahab ah.

Aadamigu naruuray u tahay,

nabadda waartaaye Nimco ma leh nawaaxiga dagaal, lagu naf-waayaaye

Nabaddu waa neecaaw udgoon, iyo nolol raaxa lehe Nabad baa Adduunyada u wacan, lagu negaadaaye.

Hambalyo *** Hambalyo *** Hambalyo

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ama This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.