Ra'yiga:- Ha Moogaan Hana Il-Duufin Doorkaaga

Jigjiga(CakaaraOpinion)Waxaa Dhambaal Cabiraya Shucuurta iyo Qiimaha ay ku Reebtay Munaasabadii taariikhiga ahayd ee ka Dhacday Magaalada Jigjiga Mid ka mida Akhristayaashayada ku taxan Shabakada CakaaraNews,anagoona halkan idiinku soo daabacnay Sida uu Dhambaalka Fikir-Qoraalka Muwaadinku u Qornaa oo ah Sidan Hoos ku Qoran.

Ugu horaynwaxaan Hambalyo iyo Bogaadin Dahabi ah u dirayaa Xukuumada DDSI ee uu Hogaanka u Hayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo Dhaxal Ma Guuraan ah u Asteeyay ama u Yagleelay Jiritaanka iyo Sharafta Shacabwaynaha DDSI oo ay Taariikhdooda,Dhaqankooda iyo Jiritaankooduba aasnaa Qarniyaal,Sidoo kale waxaan Mahad Gaara u Jeedinayaa Madaxda iyo Hawlwadeenada CakaaraNews oo u heelan mar kasta in ay Noo Soo Tebiyaan hadba Marxalada iyo waxqabadka Xaqiiqda ku salaysan iyagoona Fursad noo siiyay laga soo Bilaabo Diyaargarawgii Xuska Hidar 29 in aanu Fikirkayaga ka Dhiiano Waana Astaan Xaqiijinaysa Doorka Shaqsiga kaga aadan Deegaanka.

Hadaba hadaan u guda-galo Dulucda aan ka lahaa Dhambaalkan Dareenkayga iyo Farxadaydaba maahan wax aan Qoraal ku soo koobi karo ama aan Qityaasi karo shucuurtaydu Heerka ay Sabaynayso;

Si kastaba ha ahaate waxaan ka baran karnaa Habsami u qabsoomida Xuskan Maalinta Qowmiyadaha Hidhaar 29 Sidii Qiimaha iyo Quruxda badnayd ee uu Jigjiga uga Dhacay cashirro ay ka mid yihiin:

1. Isku duubnida iyo wada shaqaynta adag ee Maamul iyo Shacaba ay ka midaysan yihiin heer deegaan illaa heer Qabale.

2. Waxaan muujinay xuska munaasabadan oo ahayd mid heer qaran ah in aan u xusno si heer Caalam ah waayo Madaxda Dawlad Deegaanada dalka ka timid waxaa ka badnaa kuwa Caalamka kale ka yimid waana mid aan horay u dhicin Taariikhda.

3. Maxsuulka ama Natiijada ka danbaysa waa mid aan ku baranay Xubnaheena Firfircoon iyo kuwa ubaahan in lagacan qabto marka ay timaado ‘’Group Assignment’’

Talobixin:- waxaan ku talo bixin lahaa labo arimood mida hore waxa ay kusalaysan tahay Qiso aniga ila soo daristay oo ah sidan soo socota:

Qodobka 1aad- Taariikhda Yurub 2009 Bishi February ayaa waxaan ka qaybgalay Annual Review meeting ay Hay’ad aan markaas u shaqaynayey ku qabatay Magaaalada Woliso oo 120km ujirta caasimada Addis Ababa kana tirsan Deegaanka Oromia.

Haddaba, Negash-Lodge oo ahaa xarunta uu review meeting ka dhacayey ayaa markii la dajinayey ka qaybgalayaasha Waxaa ku yaalay Guri dhaqameedyada Qowmiyadaha Ethiopia Balse Nasiib daro waan ka waayey Midki ama Aqal-Dhaqameedkii Somalida; markaan waydiiyeyna waxa uu maareeyihi iigu jawaabay Aqal-dhaqameedka Somalidu midkan Canfarta miyuu ka duwan yahay Kanba iska deg!!!.

Sawirka ay Muujinayso maadaama,Resorts badan oo dalka ku yaala ay Aqal-dhaqameedyada Qowmiyaduhu ku yaalaan Balse uusan hada ka hor keenu ka muuqaninba.

Sidaa daraadeed, waxaan ku Talo-bixin lahaa in aan Aqal-dhaqameedkeena aynu gayno goobaha noocaas oo kale ah Ugu yaraan Ninkaas Woliso Negash Lodge waxaan ku fiicnaan lahaa in aqalkii oo raran aan geeyo markaas waan tusi lahaa in uu kan Canfarta kaduwan yahay.

Qodobka 2aad: Waxaa jira Kulyad waxlagu barayo dhaliyarada darbi jiifka ah ee Dalka oo dhan oo laga furay Deegaanka Canfarta; Haddaba, waxaan kutalo bixin lahaa in kulyadaas aas aaska ah ee laga dhex dhisay Deegaan aaynu ka hormarsanahay in aynu ugu deeqno Gogosha aynu xuska ku qabsanay sida Furaashta iyo Go’yaasha islamarkaana aynu dhalin yarada wax lagu barayo wax ku yeelano.

Mahadsanidin Cawil