Ugaas C/laahi Cabdi Aar (ugaas laba-qayb) oo Hambalyo iyo Bogaadin Soo Diray.

Nairobi(cakaaraNews) Waxaa Dhambaal hambalyo iyo Bogadin ah noo soo diray Ugaas Laba-Qayd oo Jooga Nairobi waana Sidan Hoose sida uu u ornaa:-

Ugaas c/laahi cabdi Aar (ugaas laba-qayd) oo shababakada wararka ee cakaaranews kula soo xidhiidhay aalada isgaadhsiinta ee khadka tilifoonka isaga oo ku sugan wadanka kiiniya ugaaska oo ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa waxa uu hambalyo ahmiyad wayn wadata u soo diray dhamaanba shacabka iyo xukuumada DDSI ee sida wanaaga xilkasnimadu ku dheehantahay ugu guulaysatay martigalinta xuskii 29ka hidaar.

Ugaaska oo hadalkiisa siiwada ayaa waxa uu sheegay in uu siwayn ugu farxay sidii wanaagsanayd ee shacabka iyo xukuumada deegaanka oo isku duuban ugu guulaysteen martigalintii qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya,ugaaska ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay tani ku tusayso horumarka balaadhan ee sida wayn uga taam yeelay DDSI,mar uu ugaasku si qiiro leh u hadlayay ayaa waxa uu yidhi “ cimrigayga ayaa igaadhsiiyay in xarunta deegaanka lagu qabtay xaflad ay ka soo qaybgaleen dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya oo ah qoomiyada gaadhaya 85- qoomiyadood.

waxaa kale oo maanta waxaa farxad aan marnaba ilaawayn oo maskaxdayda ka baxayn ii ah in shacabkaygii iyo xukuumada DDSI ay martigalieen munaasanda qoomiyadaha iyo shucuubtaha dalka itoobiya taasi oo u dhacday si qurux badan oo aan abid hore loo arag islamarkaana ay marigaliyeen dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya masuuliyiinta dhamaan dawlad deegaanada masuuliyiintii JDFI iyo wufuudii ka kala socoday wadamada aan dariska nahay sida kiiniya, jabuuti, Riwaandha, Somaliland somaliya iyo waliba gobolada somaliya oo ay ka mid yihiin jubaland iyo putland.

Ugaas labaqayd ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in guushan maanta u soo hoyatay shacabka iyo xukuumada DDSI ay suurto galiyeen hogaaminta DDSI kuwaas oo ah dhalinyaro aqoon iyo xifada hogaamineed leh kuwaas oo uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar kuwas oo ay ka go’antahay in ay shacabkooda iyo deegaankooda gaadhsiiyaan horumar waara.

Sidoo kale ugaaska ayaa waxa uu tibaaxay n wax yaabaha sida wayn u soo jiiday ka mid ahaayeen khubadihii kala duwanaa ee ay masuuliyiintii ka kadashay munaasabadaasi ka soo jeediyeen oo uu ka mid ahaa raysil wasaarada JDFI mudane heyle maryam deselam khudbadahaa oo dhamaantood cadaynayay in sanadihii ugu danbeeyay deegaanka somalida itoobiya ku talaabsaday horumar xawliya ku socda islamarkaana ay mudan tahay in ay deegaanad soomaalida itoobiya a kale oo dalka itoobiya.

Haddaba ugaas labaqayb oo ka mid ah odayaasha iyo wax garadka DDSI kuna dhaqan dalka kiiniya oo dhawaan yimiday deegaanka isaga oo xilgaas booqday qaar ka mid ah gobalada iyo degmooyinka DDSI ayaa waxa uu xusay in uu indhihiisa uu ku soo arkay horumar aad u balaadhan oo ka socda deegaanka islamarkaana ay hogaaanka u hayaan hogaamin ay ka go’antahay in ay shacabkooda horumar buuxa gaadhsiiyaan