Ramadan Kariim 



 

      

Kaamerada Il-Qoodhka CakaaraNews oo Xogo Hoose Idiinka haysa

Jigjiga(CakaaraNews) Sidaad Hore Nooga barateenba Kaamerada Il-Qoodhka CakaaraNews ayaa soo heshay Xogo Hoose oo Dhawaan lala beegsan doono Qaar ka mida Heerarka Qaab-dhismeedyada Dawlada ee ka jira ilaa MinTaxad Taasoo ah waajibaadka Xukuumada a saaran Adeeg-bixinta la siiyo Shacabka si aan Loo Hoolaalin Waxqabadka.

Xogo hoose oo aanu ku helnay Qooraansiga Ilqoodhka camerada Cakaara ayaa Tibaxaya in Xukuumadu ay heshay Tusaale Fiican oo ay ku miisaami karto Heerka Waxqabadka lagu halayn karo Qaabdhismeeyada Xukuumada Heerarkooda kala duduwan uu yahay Halbeega hadba Sidii looga soo Dhalaalay ama la isugu xilqaamay Barnaamijkii Hadh iyo Habeenba Bilihii lasoo Dhaafay ay Xukuumadu Guntiga Dhiisha iskaga Dhigtay Marti-galinta Wufuuda iyo Ergooyinka Xuska Hidar 29 oo Noqday abid kii ka dhaca dalka itoobiya ee ugu balaadhnaa.

Shaqo qaybsigii iyo Gudi ku shaqaynta(Group-Assingment) ee ku aadanaa hirgalinta iyo dabagalka tabihii Natiijada Fiican keenay ee loogu diyaargaroobayay Munaasabadii Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta oo ay xukuumadu Guntiga dhiisha isaga dhigtay iyadoona wakhtiga la bilaabay in Dhabarka loo Dhigto Diyaargarawgu ku soo beegmay xili Qoondihii Miisaaniyada Deegaanka loo kala qoondeeyay ilaa Heer Tuulo islamarkaana la dhaadhiciyay.

Mar uu Madaxwaynuhu la hadlayay Xuskii ka dib Hawl-wadeenadii iyo Gudiyadii ku hawlanaa Diyaargarawga ayaa uu carabaabay In Dumarku ahayeen lafdhabarta waxyaabihii sumcada wanaagsan u keenaya DDSI Sida Tuuladii KALI oo ay Dumarka Deegaanku u hagar-baxeen kana soo dhalaaleen Samayntii Aql-soomaaliga ka turjumaya dhaqankeena suuban taasoo loo wada qushuucay amaan baaxad wayna uu madaxwaynuhu u soo jeeddiyay Dumarka Deegaanka.

Waxaaa Hubaala in ay jireen masuuliyiin iyo shaqaale aan hadh iyo habeen ka xagal-daacin Dhamaystirka hawlihii loo idmay halka Qaarna ay ku Noqotay Sidii islaantii Shaqaba loo Cayimay Tuurida Aroos Kasta ee tidhi"Saalo Baastiina May I Sugi". Isku Soo Wada Duuboo Warjiraaba Cakaaruu Iman Shaybaadhka Xukuumaduna kala sooc Xubnihii Hawlkarnimada iyo isxilqaanka lahaa iyo Xubnaha Lugooyada ama u baahanka gacanqaasho habka Xil-gudashada iyo Ku Shaqaynta Team-work