Wareegii 5aad ee OLolaha Talaalka Booliyada Caruurta 15 Sano ka Yar oo Maanta Ka Bilaabmay Guud Ahaan DDSI Gaar Ahaana Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNes) Jimce Dec 27,2013.waxaa Maanta Si rasmi ah uga Bilaabmay Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka DDSI marka laga reebo 3 Gobol ee kala ah(Shabeele,Afdheer iyo Wardheer) Ololaha Talaalka Booliyada ama Naafeeyaha Caruurta Da'doodu ka hoosayso 15Sano waana markii ugu horaysay ee Talaalka Booliyda la siiyo Caruurta Cimrigoodu ka hooseeyo 15 Jir iyadoona Talaaladii kan ka horeeyay ay Qaadan jireen Caruurta Da'doodu ka hoseeyso 5sano.

Ka hor intii aan la gudagalin Talaalida Caruurta magaalada Jigjiga ayaa uu Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan oo ay Wehelinayeen Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka C/fataax Siciid,Madaxa xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Axmed Maxamed Shukri iyo ku-xigeenka Waxbarashada Guleed jabane,uu Wasiirku Kula Hadlay Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenada Caafimaad ee ka hawlgalaya Hirgalinta Talaalkan,isagoona Tibaaxay Ahmiyada Balaadhan ee uu Ololahani u leeyahay Caruurta Da'doodu ka hoosayso 15jir in ay qaataan Talaalkan Si looga Dabar jaro Deegaanka.

Madaxwayne Ku-xigeenka ahna wasiirka Caafimaadka DDSI ayaa Ku Booriyay Dhamaanba Xirfadlayaasha,Hawl-wadeenada Caafimaad ee Xafiiska caafimaadka,xarumaha Caafimaadka Heerarka kala Duduwan,Qaabdhismeedyada Dawlada Deegaanka Heer Gobol,Heer-Degmo uyo Heer-Deegaan,Culumada iyo Qaybaha Bulshadu in ay ka soo Dhalaalaan Hirgalinta Talaalka Booliyada lana Sugo ilaa Heer Tuulo in lawada gaadhsiiyay Caruurta Da'doodu ka Hoosayso 15 sano.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Dhibicdii ugu Horaysay Saaka afka kaga Dhibciyay Ilmo Da'diisu ka hoosaysay hal sano iyadoona ka dib ay halkaa ka sii wadeen Siinta Talaalka Caruurta Ku-xigeenka Caafimaadka,Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI,Wasiir ku-xigeenka Wasaarada waxbarashada Guuleed jabane iyo hawl-wadeenadii u idmanaa sii ambaqaadida hirgalinta Wareega 5aad ee Ololaha talaalka Booliyada.

Mudane C/fataax maxamuud ayaa carabaabay in Olalahan ay wada fulinayaan hay'adaha ay Bahwadaagta ku yihiin taageerada Dabar-goynta iyo ka hortaga Cudur-dilaacyada Sida WHO,UNICEf iyo Wasaarada Caafimaadka DFI.

Isku Soo Wada Soohoo Waxaa loogu Baaqayaa in Looga faaiideeyo talaalkan oo ka Duwan kuwii ka horeeyay Dhamaanba Caruurta Deegaanka ee da'doodu ka hoosayso 15jir Walow Laga Heli karo Caruurta ugu badan iskuulada Waxbarashada.