Wasiirka Xidhiidhka- Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI oo Shir Jaraa'id ugu Qabtay Xafiiskiisa Saxaafada Dalka.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Jan02,2014.Wasiirka Xidhiidhka dawlada,dhaqanka iyo dalkiiska DDSI mudane maxamed guure bisle ayaa maanta xafiiskiisa Shir jaraaid ugu qabtay Dhamaanba Saxaafada Deegaanka iyo kuwa Dalkaba. Shirkan Jaraaid ayaa uu wasiirku ku sharxayay Heerka Warbixinta Waxqabadka Xukuumada DDSI Heer-Deegaan ilaa Heer Tuulo 6dii Bilood ee Sanadkan 2006,islamarkaana Sheegay in Xukuunada DDSI oo ka duulaysay Taabogalinta Qorshayaasha iyo Himilooyinkeeda kor loogu soo Qaadayo Nolosha Xoolo-dhaqatada si loo Tirtiro Saboolnimada iyo Cunto yaraanta la Dejiyay Qorshayaal si xeel-Dheer looga soo Baaraandegay iyo Habab(Strategy) leh Xilli,Check-list,Fulin iyo Dabagalba.

Mudane Guure ayaa Tibaaxay in Midho-dhalka Qorshayaasha Xukuumadda DDSI ay Xudun u ahaayeen Sidii Bulsho-waynta Deegaanka kor loogu soo Qaadi lahaa Dhaqaalahooda Xirfad-Nololeed loona Sugi lahaa Dhinacyada Horumarka,N/galyadaiyo Maamul-saxar tiran oo Hanta taabogalinta Qorshayaasha.

Wuxuuna sheegay Mudane Maxamed Guure in xukuumada DDSI bilowgii sanadka 2006TI diyaarisay qorshayaal horumarineed oo ku jaango'an shan sanadle,sanadle,6 biloodle iyo waliba kuwa 3 biloodle ah kuwaasoo dhamaantood ku wajahan yoolalka,Himilada,iyo ujeedada istaraatajiyadaha lagaga midha dhalinayo qorshayaashasi.

Wasiika oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Carabaabay in wadar ahaan qorshayaashii sanadkan 2006.E.C u suntanaa Xukuumada Heerarkeeda sidii loogu talagalay si ka sii fiican loo hirgaliyay haddii ay tahay dhinaca horumarka, N/galyada, Isgaadhsiinta,Jidadka,Laydhka,Dibu-dejinta,Xidhiidhka, iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxa uu wasiiku carabka ku dhufday in qorshayaashii 6dii bilood ee la soo dhaafay sanadkan qorshaynsaa Si xawli ah lagaga midho-dhaliyay taasooy ka mid ahayd xuskii Dhaxal-galka ahaa una Askumay Qowmiyada Soomaalida ItoobiyaTaariikh,Baal-Dahab ah iyo Maamuus Sharafeed oo lagaga Tixgaliyo Dalka Itoobiya taaasooy u aayi Doonaan Jiilalka Soo koraya ee lagu Xusay magaalada Jigjiga maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ee sida taariikhiga ah u dhacday .

Dhanka Saxaafada ayaa Su'aalo ka waydiisay Wasiirka warbixinta waxqabadkii 6da Bilood ee Xukuumada iyo Tabaha Xukuumada DDSI ay kaga Talawday Dhamaanba Caabadihii jiray ee Ragaadiyay Deegaanka. wasiirka ayaa kaga jawaabay in ay Xukuumada oo kaashanaysa Shacabkeeda kana Qaybgalisay Talada Jihooyinka Deegaanku hiigsanayo ay Sababtay in ay gacmaha isqabsadaan Xukuumada iyo Qaybaha Shacabku natiijo wax k ool ahna ka keeneen Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban.

Sidoo kale Mudane Guure ayaa sheegay in wadatashigii Xukuumada iyo qaybaha Shacabka Deegaanka ku yeesheen Caasimada Deegaanka ay ka abuurmeen Ciidanka GEesiyiinta Liyuupolice oo ah Kuwa Salka u Dhigay Nabadgalyadii Sirin-sirqowday kana Tirtireen DDSI Dhamaanba hagardaamooyinkii Ba'naa ee UBBO ku haysay Shacaka taasoo ay sababtay Mar hadii Nabadii salka loo Dhigay in Horumarka loo Dhaqaaqo.

Guure waxaa iyaduna Qayb Muhiim ah ka ah Isbdelada baaxada waynee ay Xukuumada DDSI ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay Qurajoogta oo Fahantay Waxyeeladii UBBO una heensaysatay in ay udub-dhexaad u Noqdaan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ayuu Yidhi.