Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arimaha Haweenka Caruurta iyo Dhalinyarada DFI oo Maanta ka Soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal Airport.

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti Jan04,2014. Wasiiru dawlaha wasaarad aarimaha haweenka caruurta iyo dhalinarada JDFI mudane Alamaayu mingistu ayaa maanta ka soo dagay Gagidaa diyaaradaha ee garaad wiil waal Airport iyadoona ay Garoonka Siwayn ugu soo dhaweeyay wasiirada arimaha haweenka caruurta iyo dhalinayrada marwo Raxma suldaan maxamuud haybe.

Wasiiru-dawlaha ayaa Qaabilaadii soo dhawaynayd ka dib qolka nasashada kula hadlay saxaafada Deegaanka wuxuuna sheegay in ujedada socodkiisu tahay in uu ka qaybqaato tababar lagu qabanayo xarunta deegaanka ee jijiga taasoo loo qabanayo 180 dhalinyaro ka kala socota Deegaanada DDSI,Hararida iyo dhalinyarada ismaamulka magaalada diridhaba.

Sida uu sheegay tababarkan ayaa siwayn loogu gorfayn doonaa inta uu socdo Aafooyinka iyo dhibaatooyinka ay dhalinyaradu kala Kulmi karaan Tahriibka wuxuuna sheegay in la sii xoojindoona islamarkaana kor loo qaadi doono xidhmaha horumarinta dhalinyarada iyo ilaha shaqo abuurka dhalinyarada.

Dhanka kale Wasiirada haweenka caruurta iyo dhalinyarada ddsi marwo raxma suldaan maxamuud haybe ayaa iyaduna sheegay in ay siwayn u soo dhawaynayaan in uu wasiiru dawluhu kala qayb qaato tababarkan oo ah mid ahmiyad wayn u leh dhalinyarad waxaa kale oo ay sawiradu sheegtay in hada uu meel fiican marayo degaankeena xidhmaha horumarinta dhalinyarada.

Maaha markii ugu horaysay ee xafiiska arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarad DDSI isaga oo kaashanaya dhigiise her fadaraal uu tababar iyo shaqo abuuri u sameeyo dhalinyarada deegaanka ee waxaa jirtay in uu shaqo abuuri aad u badan u sameeyay dhalinyaro aad u tiro badan kuwaas oo hada ku nool nolol aad u fiican.