CIID MUBAARAK



 

      

Dufcadii 7aad ee Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-police oo Ka Qalinjabin Doona Kuliyada Tababarada Ciidamada ee Shaalaqe Mahad Soofe.

Waxaa Kuliyada Tababarada Ciidamada ee Shaalaqe Mahad Soofe ka Qalinjabinaya Dufcadii 7aad ee Ciidanka Booliska gaarka ah ee Liyuu-Police Maalinta Khamiista Fooda Inagu soo haysa,iyadoona Munaasabad Balaadhan Maalintaa lagu qaban doono Gudaha Xarunta Tababarka halkaas oo ay Dufcadan oo ka kooban 6 Guuto ay ku soo bandhigi doonaan Dhoolo-Tus ku wajahan Xeeladaha Ciidanimo ee ay Mudadii ay tababarka ku jireen ku Qaateen Kuliyada.

Dhanka kale Waxaa Munaasabadan ay ku Qalinjabinayan Dufcada 7aad ee halyeeyada Liyuu-police ka soo Qaybgali doonaa Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada DDSI,Golaha Capinetka,Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada,Odoyaal-dhaqameedka,Culumaa'udiinka Deegaanka iyo Qaybaha Bulsho-waynta Deegaanka.

Waxaa Xusid Mudan in 6dii Dufcadood ee ka horeeyay Dufcadani in ay gabi ahaanba salka u Dhigeen xasiloonidii Sirin-sirqowday Sabanada Qaar islamarkaana cashar lama ilaawaan ah u dhigeen UBBO iyo 3deedii Koran ee Bacaha kaga dhex halgami jiray Dalka Dibadiisa Shugux-beenaadka ay u tumayeen Dhalinyarada ay marin habaabiyeen,Balse waxaa Shaxda Xisaabtoodii soo xidhay halyeeyada Liyuu-police,halka ay Qaar ka mida Dhalinyardii Shugux-beenaadka loo tumay ay Garwaaqsadeen Riyo-eenaadkii kuna soo Qul-qulayaan Caasimada Deegaanka iyo Goboladaba.