CIID MUBAARAK



 

      

Degmada Raaso oo Telefoonkii Loo Sii Daayay"Hello Raaso".

Raaso(CakaaraNews) Isniin jan06,2014.Waxaa loo sii daayay Isticmaalka aalada casriga ah ee Mobileka Degmada Raaso oo ka mid ahayd 15kii Degmo ee 2bo sano ka hor baarlamaanka DDSI uu ku ansixiyay kalfadhigiisii iyadoona Socdaalkii Rajo iyo Nolol Rumays ee uu Dhawaan ku soo maray Madaxwaynaha DDSI Mudane CMC ka mid ahaayeen alanqaadkiisii Mobileka,laydhka iyo Biyaha Nadiifta ah.

Hadaba waxaa si buuxda loogu sii daayay Shacabka Degmada raaso isticmaalka Mobileka oo si xawli ah looga Dhisay Anteenada iyo Dhismahaba intii ka danbaysay Socdaalkii madaxwaynuhu kutegay. Dhanka kale laydhka 24ka saac ee taga Godey ayaa dhawaan looga soo Jiidi Doonaa,iyadoona Biyogalinta Raasana Qorshaha xukuumada u yaala yahay in looga soo jiido wabiga Shabeele. Qaybaha Shacabwaynaha Degmada Raaso iyo Nawaaxigeeda ayaa aad u Bogaadiyay Jawaabta Degdega ah ee ay Xukuumada DDSI ka heleen,slamarkaana si gaaara ugu Mahadceliyay Madaxwaynaha DDSI.

isku soo wada Duuboo Gobolka Afdheer ayaa Dhamaan Degmooyinku ay Heeen isticmaalka aalada Mobileka oo Qaybwayn ka Qaadatay Xidhiidhka iyo Ganacsigaba