Xafladii Qalin-jabinta Dufcadii 7aad ee Ciidanka Liyuu-Police oo Jawi farxadeed iyo Balanqaad Lagu Soo Ebyay.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Jan09,2014. Sidaanu hore idiinku sheegnayba waxaa maanta ka dhacday Dugsiga tababarada Ciidamada ee Shaalaqe mahad Soofe Munaasabad balaadhan oo ay Ku qalinjabinayeen Dufcadii-7aad ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Liyuu-police oo ka koobnaa 6 Guuto oo ay ku jiraan ka sakow Ciidamada tababarka iyo Tabaha Ciidanimo dhamaysay Ciidamo Gaara oo si Gaara loo tababaray(Special Force).

Munaasabadan ayaa Si aad u heersaraysa loo sii agaasimay iyadoona ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynaha DDSI Mudane cabdi Maxamuud Cumar,madaxwayne kuxigeenada,Golaha capinetka,Odoyaasha-Dhaqanka,Qurbajoogta,Culumaaudiinka iyo martisharaf kale.

Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hor Furitaankii Munaasabadan Xadhiga ka jaray Taalo u samaysan lakabyo Dhan 9 oo tilmaamaya sagaalka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay xasuusna looga Dhigay Ciidankii ku Shihiiday halganka ay UBBO kaga suuliyeen Deegaanka(Daljirka-Dahsoon).

Madaxwaynaha ayaa warbixin Tifaftiran oo Qotodheer ka soo Jeediyay xaafladan,islamarkaana ka xogwaramay marxaladihii kala duduwanaa ee uu Deegaanku soo maray,Dibindaabyooyinkii iyo marinhabawgii UBBO ay Shacabweynaha Deegaanka Dhaxalsiisay,Fursadihii Dimoqraadiyadeed ee lagu sugay Xuquuqaha iyo sinaanta Qowmiyadaha,Xidhiidhka Dibadaha iyo Qurbajoogta.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa Tibaaxay Asbaabihii lagu Askumay Ciiidanka Gaarka ah ee Liyuupolice oo ka Curtay Shirarkii wadatashiga ahaa ee ay Xukuumada iyo Qaaybaha Shacabku ku yeesheen Jigjiga taasoo Marka loo Fiiriyo marxaladihii Qalafsanaa iyo hagardaamooyinkii UBBO ay Baday Shacabka iyo tabihii Horumar lagu gaadhsiin lahaaba loo wadaguuxay in ay Gudboon tahay in Cudud Ciidan oo Shacabka ka Caabin karta UBBO in la aas-aaso Taasoo Dhibada u taagtay Ciidanka ooliska Gaarka ah ee Liyuupolice oo Mudo kooban ku soo afjaray UBBO ayuu Yidhi.

madaxwaynaha ayaa Carabaabay halgankii Qaadhaadhaa ee ay Liyuu-policeku kaga nadiifiyeen Dhamaanba Deegaanka Fikir ahaan,Cudud ahaan iyo Dhaqaale ahaanba Been-hawaasyadii qawlaysatada ahaa ee UBBO,islamarkana ay ku shahiideen Naftoodana u hureen dhalinyaro badan oo Mudadan in Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba in aynan Marna iloobin Ciidankii Dhiigooda u huray ka samatobixinta Shacabka Beenquutayaashii ka ganacsan jiray Dhiiga shacabka ee UBBO.

Madaxwaynaha ayaa Carabka ku dhuftay in Ciidanka LP ay ka dib markii ay UBBO ka soo faraxasheen in ay Shacabka ka Caawiyaaan Dhanka Horumarka,talaalka Xoolaha,dawaynta iyo Mushaarkooda oo hadba kutaageeraan Shacabka tabarta daran,Masaajidada iyo Culumadaba,sidoo kale Madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay Dufcada 7aad in ay Shacabka Deegaanka u noqdaan daacad,Ixtiraamaan,gargaaraan Cadwgana Deyr adag uga noqdaan islamarkaana aynan ku xadgudbin Xuquuqda Shaqsiga iyo Xoriyadiisa.

Dhanka kale madaxwayne kuxigeenka ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa Isaguna ka warbixiyay warbixinta Ciidamada,Gulihii halyeeyada LP ka soo hooyeen dabargoynta UBBO iyo Sida ay Ciidanka gaarka ah ee Liyuu-police Wakhti-xaadirkan taageerada ugu gaysto Shacabka Mushaarkoodana ugu Deeqaan.

Culumaaudiinka Deegaanka ayaa Ciidanka Dhamaystay tababarka Mid mid ugu hor dhaarinayay Munaasabada.

Ciidamada Qalinjabinaay ayaa halkaa ku soo bandhigay Dhoolo-tus ku saabsan tabihii iyo Xeeladihii Ciidameed ee la baray intay Kuliyada ku jireen iyadoona Tababarka la siiyay uu ahaa kuwa ugu casrisan ee la siiyo Ciidamada.