CIID MUBAARAK



 

      

Shir aad u Balaadhnaa oo Ka Dhacay EDMONTON iyo Madaxwaynaha DDSI oo Telle-Conference Kaga Qayb Galay.

EDMONTON(CakaaraNews) Jimce Jan10,2014. Sidaanu Hore idiinku sii Bildhaamnayba waxaa lagu qabtay Gobolka Alberta gaar ahaan Magaalada Edmonton Shirwayne aan loo kala hadhin oo ay Si heer sare ah u soo agaasimeen Jaaliyada ka soo Jeeda DDSI ee ku Dhaqan cariga Canada,iyadoona ay Madaxwaynaha DDSI Mudane cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwayne kuxigeenka ahna Hogaanka N/galyada maamulka iyo cadaalada DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar kaga qaybgaleen Shirka ka Dhacay Alberta Telle-Conference.

Madaxwaynaha DDSI ayaa ugu horayn uga mahadnaqay Qurbajoogta ka oo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay ee soo Qaabaysay iskuduridka Qabsoomida kulankan,islamarkaana Warbixin Qoto-dheer oo ka turjumaysay Sooyaalkii Taariikheed iyo Beri-samaadkii UBBO Turunturooyinka ku ahayd Horumarka iyo Nolosha Shacabka Deegaanka iyadoona uu ka warbixiyay Yagleelidii Ciidanka Geesiyiinta Liyuu-police iyo Guulaha ay ka soo hooyeen Dabarjarida UBBO iyo ilaalinta Xuduudaha Deegaanka.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa Carabaaby Heerka uu marayo Maanta waxqabadka Xukuumada DDSI,iskaashiga,wada-tashiga iyo Wada Shaqaynta salka balaahan ee Xukuumada iyo Qaybaha Bulshada ka Dhaxaysa iyo Guushii Xuskii Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta ee ka dhacay Jigjiga. Madaxwaynaha ayaa ka faalooday Xidhiidhka Xukuumada iyo Qurbajoogta ka dhaxeeya sidii uu ku soo bilaabmay,Halka maanta marayo iyo Doorka ay Qurbajoogtu ka Qaadato Wakhtigan Horumarka iyo Maalgashiga isagoona ku booriyay Qurbajoogta in Qofkasta Doorka kaga aadan Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba ka Qaataan.

Dhanka kale Mwayne kuxigeenka ah Hogaanka N/galyada ayaa ka warbixiyay hay'adaha nabadgalyada,saraynta Sharciga iyo ku dhaqanka Dastuurka,isagoona faahfaahin buuxda ka bixiyay Cududa Ciidamada iyo sida ay Deegaanka u hanteen Xasiloonida iyo Xuduudaha,islamarkaana uga Suuliyeen DDSI halyeeyada Liyuupolice. Qurbajoogta ayaa iyaguna Sheegay sida ay ula dhacsan yihiin Waxqabadka iyo isbedelada baaxada wayn ee ay Xukuumada Maantu taaogalisay Mudadii yarayd iyagoona balanqaaday in ay kaalintooda si buuxda uga Qaadan Doonaan Horumarka,Maalgashiga,Maamulka Suuban iyo Nabadgalyadaba.

Isku Soo wada Soohoo intii ay Xukuumada Maantu Daahfurka-Qurbajoogta ku Dhaqan 5ta Qaaradood ku soo samaysayba Waxaa Muuqda Doorka Qurbajoogtu kaga qaybqaadanayso Arimaha Horumarka,N/galyada,maalgashiga iyo Maamulka Saxar Tiran iyadoona Guud ahaan Qurbajoogtu ay Door Muhiim ah ka Qaataan.