CIID MUBAARAK



 

      

Ilqoodhka:-Shirkii Sabtiilaha Caadiga ahaa ee Golaha Capinetka DDSI oo Maanta labadii Galinba Ka Socda Hoolka Shirarka ee Xafiiska Madaxwaynaha.

Jigjiga(CN) Sabti Jan,11,2014. Waxaynu Hore uwada ogsoonayn in Maalin kasta oo Sabti ah ay Shir isugu yimaadaan Xafiiska madaxtooyada Dhamaanba Golaha Fulinta ee Xukuumada DDSI si loogu Qiimeeyo hadba Heerka Waxqabadka Xafiisyada iyo Qorshihii Yaalay Sida loo Hirgaliyay amaba looga soo dhalaalay iyadoona Caqabadaha iyo Afkaaraha Halkaa lagaga Munaaqashoodo.

Hadaba Waxaa Maanta Galinkii Hore ay sidii Caadiga ahayd isugu yimaadeen Golaha capinetka Dawladu Shir albaabadu u xidhan yihiin oo Lagu Gorfaynayo Jihooyinka waxqabadka Heerarka Xukuumada iyo Qorshayaashii Horumarineed ee Xukuumada u yaalay Sanadkan,iyadoona Xafiis kasta lagaga Dhagaysanayo Heerka Warbixinta Waxqabadkoodu gaadhsiisan yahay Su'aalana laga waydiinayo,shirkan ayaa uu shirgudoominayaa madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Shirkan ayaad Moodaa in uu ka Miisaan wayn yahay Sidii Hore looga bartay Shirarkii ka horeeyay marka laga Dhawro Sida waxqabadka Xafiisyada Heer Deegaan loogu eegayo ITus oo I Taabsii,iyadoona ay Dhanka kalana waaxda Kormeerka iyo Dabagalka Xafiisyada ee Xafiiska Madaxwaynuhu Diiwaanka Waxqabadka Xafiis Walba la garab Fadhiyaan.

Isku soo Wada Soohoo Qaybta Ilqoodhka CakaaraNews ayaa idin leh naga War suga hana ka fogaanina Isha warqabadka Ilqoodhka cakaara oo Xuuraan idiinku Maqan.