Ramadan Kariim 



 

      

Deg-Deg: Madaxwaynaha DDSI iyo Wafti La Socday oo Ka Degay Heathrow-Airport oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay.

 London(CN) Isniin. Waxaa maanta Galinkii Danbe ka degay Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cariga Ingiriiska Gaar ahaan Magaalada London (Heathrow International Airporport) Wafti uu Hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa Socdaalkan hawleed ee ay Ku tageen dalka Ingiriiska la filayaa in ay Maalmo joogi Doonaan iyagoona Uga sii Gudbi Doona dalal kale oo aan Weli la Shaacin balse Wariyaha Ilqoodhka CakaaraNews uu Dib idiinka soo Sheegi Doono,Sidoo kalana jadwalka Waftiga Madaxwaynaha ee London.

Ma aha Socdaalkii ugu Horeeyay ee uu Madaxwaynaha DDSI ku Tago Dalka Dibadiisa si uu ula soo Munaaqashoodo Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI,iyadoona lagu xasuusan karo intii ay Jirtay Xukuumadan uu hogaankeeda hayo Mudane Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay Noqotay Xukuumadii ugu Horaysay ee Daahfur ku soo Samaysay Dhamaanba Qurbajoogta ka soo Jeeda 9ka Gobol ee ku baahsan 5ta Qaaradood.