Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwayne Ku-xigeenka Ahna ku Sii-simaha Xafiiska Madaxwaynaha DDSI oo Saaka Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurba-joog u dhalatay Deegaanka .

Jigjiga(CN) Talaado Jan13,2014.Maxadwayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwaynah DDSI mudane c/laahi yuusuf weerar ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay qurbajoog u dhalatay DDSI gaar ahaan gobolka faafan oo Shalay ka soo Degay Gagida Dayuuradaha ee garaad Wiil-waal Airport. Ku-simaha Madaxwaynaha ayaa uu Kulankan ku Wehelinayay wasiirka madaxtooyada DDSI mudane c/casiis maxamed cabdi,wasiirka Hanti dhawrka-guud mudane Ahmed Ibaarin, iyo maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta DDSI mudane Cabari macalin maxamed.

Qurba joogtan oo Shalay Soo Galay Magaalada Jigjiga ayaa waxaa hogaaminayay ugaas c/rashiid ugaas rooble,iyadoona uu Madaxwayne Kuxigeenku Si Heer Sare ah saaka ugu Qaabilay Xafiiska Madaxtooyada Dareen farxadeedna ku Qaabilay salaantii ka Dibna uu Siihayaha xafiiska Madaxwaynuhu uu warbixin Dheelitiran ka siiyay Marxaladihii Deegaanku soo maray,Heerka Waxqabadka uu Deegaanku Taagan yahay Maanta,Adeeg-bixinta Hufan ee Qaabdhismeedyada Dawlada ilaa Heer Tuulo,Doorka Maalgashiga Qurbajoogta iyo tabihii Natiijada wanaagsan Keenay ee ay Xukuumada Maanta Jirtaa Daahfurka Unkay Xidhiidhka Qurbajoogta ugu Heensaysatay 5ta Qaaradood.

Mudane C/laahi Yuusuf Weerar uu siwayn uga waramay fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka iyo in ay xukuumada deegaanku sanadihii ugu danbeeyay ku talaabsatay Guulo waawayn oo Muuna u noqday dalka ka dib markii ay Xukuumada Maantu Guntiga u xidhatay Taabogalinta Dhinacyada horumarka, nabadglayda,Maamulka Saxar-Tiran, Maalgashiga iyo xidhiidhka dhinaca qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee Deeganku ka kooban yahay ay Xukuumadu Socdaalo Dhaadheer ugu Jarmaaday 5ta Qaaradood.

Waxaa iyaguna dhankoodana loogana baahan yahay qurba joogta in ay sii labanlaabaan Doorka kaga aadan ka qaybqaadashada horumarka sida buuxa uga hirgalay guud ahaanba deegaanka , wuxuuna siwayn ugu mahad naqay ku sii simaha madaxwaynuhu ugaas c/rashiid ugaas rooble oo siwayn uga qayb qaatay isku xidhka qurba joogta ka soo jeeda gobolka faafan iyo xukuumada deegaanka. Ugaas C/rashiid Ugaas rooble oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in markii uu arkay horumarka sida buuxa looga taam yeelay deegaanka Mudadii 3da sano ahayd ee ay Jirtay Xukuumadan hanoqaaday ee uu Caynaanka u hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Doorka lagu Muujiyay fagaarayaasha wadatashiga Hogaaminta Dhaqanka Deegaanka uu go’aansaday in uu qurbaha ku noqdo si uu ugu soo wacyigaliyo bulshada qurba joogta ah iyo maalqabeenada deegaanku in ay siwayn uga qayb qaataan arimaha horumarka ka jira deegaanka iyo waliba ka qayb qaadashada dhinacyada horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban islamarkaana ay siwayn u maalgashadaan deegaankooda.

Dhankooda qaarka mid ah qurba joogtii la socotay Ugaaska ayaa waxay sheegaan in Socdaalkoodan ay Sababeen kadib markii ay Dheehdeen Isbedelada Horumar-Siman ee sida Baaxada wayn uga Taabogalay Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Deegaanka islamarkaana uu Deegaanku Helay Hogaamiya Cadaali ah oo Mideeyay Shacabkiisii una Jiheeyay Kobac Dhaqan Dhaqaale oo Si xawli ah u abuura isbedelo Horumarineed iyo Kobac-Dhaqaale oo Dunida la Jaanqaada taasoo Kalsooni buuxda nagu siisay in ay Gudboontahay Maanta in aanu Doorkayaga ka Qaadano Horumarka iyo Maalgashiga Deegaanka ayay Yidhaahdeen.