Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI oo Waji Cusub oo Ka Duwan Kuwii Hore Ka Furay London Meeshana ka Saaray in Shacabka Dib Loo Xasuusiyo Boogihii UBBO Dhaxalsiisay ee Horumarka iyo Kobaca Dhaqaale lagu Baananayay(Dhayayo).

London(CN) Shaki Kuma Jiro in laga soo gudbay Dhamaanba Turunturooyinkii iyo Hagardaamadii UBBO ay ku haysay Shacabka iyo Daryeelkooda Nololeed kuwaasoo kaliya Qandaraasyo kaga soo Qaadan Jiray Eriteriya wixii la halmaala Daadinta Dhiiga Shacabka iyo Naafaynta Horumarka iyo Ilaha Dhaqaalaha Shacabka Deegaanka Kuwaasoo 20kii Sano Warbixin ku Siin Jireen Asmara Hadba Tirada Shacabka ay Xasuuqeen,Tuulooyinkay ay Gubeen iyo Qaybaha Horumarka ka socday Deegaanka ee ay Dhibaato u Gaysteen taasoo ahayd Saamiga la siiyo Hadba Baaxada Xasuuqa,Kufsiga iyo Gubida Kaabayaasha Dhaqaale ee Horumarka Deegaanka ay u Gaystaan Sida ay u kala Badan tahay ay ERITERIYA ku soo Laaluushi Jirtay..

Waxaa Hubaala in Dhamaanba hagardaamooyinkii UBBO ay Dhaxalsiisay Sabanada Qaar in lagaga soo Gudbay Iskaashi iyo Wadashaqayn Xoogan oo ka Dhex abuurantay Shacabweynaha DDSI Dal iyo Dibadba iyo Xukuumada DDSI ee Maanta Talada Deegaanka Haysa Islamarkaana ay ka Curatay in ay lagama maarmaan u arkaan in laga Yagleelo Deegaanka Ciidan u Gaara oo Hanta Nabadgalyada Deegaanka Shacabkana ka Badbaadiya Awrkiraalayaasha UBBO ee Ka Ganacsada Daadinta Dhiiga Shacabka Dhidibadana loo Taagay Yagleelida Ciidanka Geesiyiinta ah ee Liyuupolice oo Mudo Gaaban kaga Tirtiray Cudud ahaan Dhamaanba Deegaanka,sidoo kalana ay Xukuumada DDSI ee Hogaankeeda uu Hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay Dhexda u Xidhatay in ay Fikir ahaan,Dhaqaale ahaan iyo Jiritaan ahaanba Ka Suuliso Dalka iyo Dibadiiaba iyadoona ay Udub Dhexaad u ahaayeen Daahfurkii Xukuumada Maanta haysa Talada ee uu Hormuudka u Yahay Madaxwaynuhu Socdaalo Dhaadheer ku Tageen Dhamaanba 5ta Qaaradood Fagaarayaal Wadatashi ahna Uga Furtay Dhamaanba Qaybaha Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka Meeqaamkooda laga siiyo Jihooyinka, Siyaasadeed, Horumarineed, N/galyo, Maalgashi iyo Maamul Suuban Lagana Qaybgaliyay Qorshayaasha Deegaanka Taasoo Keentay Natiijo aad u Wanaagsan oo Xididada Uga Siibtay UBBO Mala-awaalkii iyo Beentii ay Qurbajoogta kaga Qaadan Jireen Qaadhaan Kusheegii Shacabweynaha Deegaanka Lagu Xasuuqi jiray Taasoo sii Badhi-Gantaashay Qorshihii Sugida Guud ahaan Xasiloonida Deegaanka iyo Baabi'inta Waxa Loogu Yeedho UBBO oo Cudud ahaan Ciidanka LIYUU-POLICE uga Suuliyay Dhamaanba Deegaanka Meelihii Tirsanaa ee ay ka joogeen.

Waana Ta u Furtay Xukuumada iyo Shacabka Deegaanku in ay Hindisaan Jihooyin Cusub oo Lagu Horumariyo Gobolada iyo Degmooyinka Deegaanka,Looguna Baaqo Maalgaliyayaasha Caalamka iyo hantiilayaashaba in ay Deegaanka maalgashadaan,sidoo kalana La Kobciyo Heerka Nolol-Maalmeedka iyo Dhigaalka Qoys kasta oo Deegaanka ka mid ahsi looga baxao Saboolnimada,iyo in loo Abuuro Fursado iyo Xirfado-Shaqo ay Shacabku ku Maareeyaan Nolol-maalmeedkooda ay Sanado Badan Naafeeyeen Shirkadii-Ganacsi ee Khasaartay Magaceeduna ahaa UBBO Iyadoona Shacab-weynaha Deegaanka ee Quusta-ka taagnaa Waayadii-Hore Daryeel Caafimaad,Waxbarasho,Biyo-Nadiifa, Kobac-dhaqaale,Jidad,Laydh,Isgaadhsiin,Fursado Shaqo iyo Kobac-Dhaqaale iyadoona uu u Baryay Waa Cusub oo ay Neecaw Horumar,Daryeel,Kobac-dhaqaale iyo Maarayn Nololeed ku Helaan islamarkaana Dhadhansadaan Faaiidada ay Xambaarsan tahay Nabad lagu Waaro iyo Dawlad u Hagar Baxda Shacabkeeda Qalbiyadoodana ka wada Muhdeen Odhaahdii ahayd "Dheg-Dheer Dhimatoo(UBBO) Dhulkii Waa Nabad".

Sidoo kale Madaxwaynaha DDSI iyo Xukuumadiisa ayaa Sanadihii ugu Danbeeyay ee Gabi ahaanba ooda looga Jebiyay UBBO Deegaanka Noqdeena Kuwo Lugbaxay ayaa Salka loo Dhigay Naqshadihii Isbedel Horumarineed iyo Kobac-Dhaqaale Mudo Gaaban loo Gaadhsiin lahaa Shacabka si ay uga soo kabtaan Hagardaamooyinkii Sanadaha Qaatay ee UBBO ay Dhaxalsiiyeen Mar hadii Dal iyo Dibadba UBBO Cudud ahaan,Fikir ahaan,Jiritaan ahaan iyo Qaadhaan ahaanba laga soo Dabar Jaray 3dii Hada Dhawr,3diina ay Noqdeen lax Garaw ku Hadhay Waxaa Furmay Baal Cusub ee Shacabka iyo Deegaankaba Lagu Horumariyo.

Hadaba iyadoo Sanadkii ugu Danbeeyayba Gudaha Deegaanka aan Horumar, islaxisaabtan, Qorshayaal,Check-list iyo Maalgashi Mooyee aan lagaga hadli jirin Wax ku saabsan Qodobadii Beryaha Qaar N/galyo iyo UBBO lagaga hadli jiray ayaa uu Socdaalkan Madaxwaynaha iyo Waftigiisu ku Tageen Boqortooyada Ingiriiska gaar ahaan Caasimada London uu Jawi ama Baal  Cusub oo ka Duwan Fagaarayaashii ka Horeeyay ee ay Xukuumadu la Yeelan Jirtay Jaaliyaada iyo Qaybaha Qurbajoogta Gaar ahana Qurbajoogta ku Dhaqan UK u Furayaa Baal Cusub Maadaama Socdaalkani uunan Marnaba ka Faaloonayn Been-Quutayaashii UBBO ee ay Maaaajaraha u Hayeen 3da Koran ee Caadaystay Ka Ganacsiga Daadinta iyo xasuuqa Shacabka Deegaanka kuwaasoo Baabkoodii Gabi ahaanba laga soo laabay dalka iyo Qurbahaba Balse uu Socdaalka Madaxwaynaha Ujeedadiisa ugu Wayn Tahay in Loogu Baaqo ama Loogu Gacan haadiyo Cid kasta oo Maalqabeen ah in ay Xor u tahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya in ay Maalgashato islamarkaana ay Xukuumada DDSI iyo Qaybaha Shacabkuba gacan buuxda ku siinayaan Tabaha Maalgashigooda,Hordhacna uu u ahaa Wajiga Cusub ee Loo Gudbay Kii Maanta uu Madaxwaynuhu Jaaiyada UK la yeeshay iyadoona Shirar Goos Goos ah Beri La Gudagali Dono.

Mid ka Mida Dadka ku Xeeldheer Falanqaynta Arimaha Siyaasadeed ee Deegaanka ayaa Noo sheegay in Halgan Dheer oo ay Wadajir ugu Qaadeen Shacabka Deegaanka oo Helay Kalsooni Dawladeed Sanadihii ugu Danbeeyay,Xukuumada DDSI oo Sugtay Kalsooni Galinta Shacabkeeda iyo Ciidanka Liyuu-police ooisgarabsanayaa ay Soo Gunaanadeen Nabadgalyadii iyo Cabsidii Dhanka Amniga ahayd ee Deegaanka Ka sakow Shacabka Deegaankana waa Cusub u Furtay Dhamaanba Qowmiyadaha Dalka Itoobiya,Wuxuuna intaa ku daray Mar Hadii UBBO Noqotay Goranyooy Gabal Kuu Dhac Waxaa Xigi Doona ayuu Yidhi in Maxkamad lala Tiigsan Doono Kuwii ka Danbeeyay Dhamaanba Dibindaabyooyinkii wajiyada badnaa ee loo Gaystay Shacabka DDSI ayuu ku soo koobay.

Isku Soo Wada Duuboo Madaxwaynaha ayaa Jawi ka Duwan Kuwii Hore la Tegay London Meeshana ka saaray in Shacabweynaha DDSI ee ku Kala Nool Dalka iyo Dibadahaba la Xasuusiyo Qaybaha Shacabka Boogihii Horumarka iyo Neecawda Nololeed Lagu Dhayayay ee ay UBBOdii Bari Samaadkii Gaadhsiiyeen,islamarkaana Qodobada uu Qurbajoogta hada wixii ka Danbeeya uu kala hadli Doono Yihiin uun kaliya Sidii Deegaanka loo Maalgashan lahaa,hawlaha qaranka looga Qaybqaadan Lahaa sida Biyo-xidheenka ABBAY,Ururka Houmarinta Soomaalida Itoobiya La Isu Diiwaangalin Lahaa laamana loogaga Furi lahaa Dalalka Dibadaha iyo in ay Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooan yahay Noqdaan Kuwo u abaabulan in ay Talada,Jihooyinka iyo Qorshayaasha Mustaqbalka Deegaanka ka Qaataan Doorka kaga aadan