Ramadan Kariim 



 

      

Shir-Wadareed Ay Dhamaan Qaybaha Qurbajoogta iyo Waxgaradka Ku Nool UK oo uu Hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI ayaa Ka Dhacay London.

Wafti uu hogaaminayo Madaxawaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmahan Shirar goos goos ah uu uga socday Waxgaradka 9ka Gobol iyo Maalqabeenada ka soo jeeda DDSI ee ku Dhaqan Ingiriiska ayaa ka Dib maanta Shirwadareed ay u Dhamaayeen Dhamaanba Qayha Bulshada Qurbajoogta ah ee ku Nool Cariga Boqortooyaa Ingiriiska uu ka dhacay Magaalada London.

Shirkan oo ay Madaxda Safaarada iyo Madaxwaynha DDSI ay Ka soo Qaybgaleen ayaa u hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI isagoona Warbixin Qoto-dheer oo ka turjumaysay Dhamaanba Heerarkii sooyaalka taariikheed ee uu Deegaanku soo maray iyo Tabihii laagaga soo Gudbay Marxaladihii cakirnaa uu halkaa ka soo jeediyay iyadoona uu madaxwaynuhu uu Qurbajoogta ku amaanay Doorka ay ka qaataan Horumarka iyo Maalgashgaba.

Madaxwaynaha ayaa Sharax Dheelitiran ka bixiyay warbixinta Waxqabadka Xukuumada Maanta ay ku talaabsatay 3dii sano ee ugu danbaysay, Guulihii Xuska Hidar 29,Gunaanadkii Nabaddiidka UBBO,Maamulka Suuban,Barnaamijka Dibudejinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Beeraha iyo Isgaadhsiinta.

Madaxweynaha ayaa ka waramay kaalinta qurbajoogta iyo doorkooda la filayo. Waxaa uu xusay in qurba-joogto maalgashi xoog leh ku sameeyeen deegaanka islamrkaana waxqabadkooda lagu diirsaday. Madaxweyne Cabdi ayaa qurba-joogta ku booriyey in ay labalaaban maalgashiga iyo ka qaybqaadashada hawlaha horumarka.

Hogaamiyaha Xukuumada DDSI ayaa sheegay in dawlada kaligeed ayna wax walba qaban karin sidaa dardeedna Dawlada Deegaanka Soomaalida itoobiya laga hirgaliyey urur aan dawli ahayn oo loo yaqaan Ururka horumarinta Soomaalida Itoobiya Xaruntiisa ugu wayna Magaalada Jigjiga ka furantahay iyadoona lagu Balaadhinayo 5ta Qaaradood laamana uu ka furan Doono balse looa baahan yahay Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI in ay Xubno kanoqdaan iskana diiwaan galiyaan ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha jaaliyada in ay taageeraan ururkan aan dawliga ahayn eewaajibaadkiisu yahay horumarinta shacabka deegaanka si loo dabaalo baahida dhanka horumarka ah ee ka jirta DDSI. Madaxweynha ayaa xusay in ururo noocan oo kale ahi ay leeyihiin qoomiyadaha Itoobiya iyaga oo qabtay wax weyn.

Dhanka kale, madaxweyna Cabdi Cumar ayaa jaaliyada ka codsay in loo caqliceliyo dadka tirada yar ee wali dabasocda kooxda nabdiidka ah. Waxaa u tilmaamay in dadkaas lagu qanciyo in ay wakhtigooda iyo maalkooda u huraan waxyaabaha wanaagsan ee dadkoodu u baahan yihiin.

 Waxaa isna goobta ka hadlay wasiirka beeraha DDSI, C/risaq Cali Baashe. Wasiirka ayaa tibaaxay barnaamijiyada wasiirdiisu hirgalisay ee la xidhiidha horumarinta beeraha iyo xoolaha oo dadkeenu aad ugu tiirsan yihiin. Waxaa uu farta ku fiiqay barnaamijka horumarinta wabiyada iyo dooxooyinka, suuq-geynta xoolaha iyo manaafacaadkooda iyo horumarinta reer guuraaga.

Qaar kamid ah TV-yada ugu caansan ee Soomaalida ayaa madasha shirka ku sugnaa si ay u tabiyaan waxyaabha ka dhacay kulankamn muhiimka ah.

Guud ahaan shirka  ayaa si wanaagsan ku soo gabagaboobay iyada oo wixii intaa ka dambeeyey loo dareeray dhanka hudheelka madaxweyanh degan yahay oo lagu qabaty xaflad weyn oo soo dhaweyn ah

Shirkan ayaa ka duwanaa kuwii hore ay ugu kulmi jireen Qurbajoogta iyo Madaxwaynaha islamarkaana lagaga hadlayay Horumarka iyo Maalgashiga iyadoona uu Jawi aad u Wanaagsan Farxadana badnaa uu ku soo dhamaaday.

Caawa ayaa ay Casho-sharaf ay ku Wada Kulmi Doonaan Madaxwaynaha,Madaxda Safaarada iyo Dhamaanba Qurbajoogta UK Heerarkooda kala duwan