Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Balaadhan oo Ka Dhacay Caasimada Finland(Helsinki) iyo Madaxwaynaha DDSI oo Khadka Telefoonka Kalga Qaybgalay.

Sida wariyahayaga Ilqoodhka ee aalaaba nooga soo warama Dalalka Scandenevianka la isku yidhaahdo uu nooga soo tebiyay Caasimada Dalka Finland ee Helsinki ayaa waxaa ka dhacay Shir balaadhan oo ay Jaaliyada DDSI ee ku Dhaqan soo abaabushay oo ay ka soo qaybgaleen Hogaaminta Jaaliyada,Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo Dhamaanba Qaybaha ay Bulshada Qurbajoogta Finland ka kooban tahay.

Shirkan oo uu Furay Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee Finland Mudane Dayib Muxumed Barkhadle ayaa ka warbixiyay Heerka Waxqabadka Xukuumada DDSI iyo Isbedelada Horumarineed ee Xawliga Mudo yar uga taabogalay,isagoona Qurbajoogta ku sugnayd Kulankan ugu Hambalyeeyay in Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Booqasho ku jooga UK in uu khadka Telefoonka kagala Qaybgali Doono Shirkan islamarkaana ku wareejiyay Madaxwaynaha DDSI oo Qurbajoogta kala Hadlayay Aalada Casriga ah ee Teleconference.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal gaaban oo u badan horumarka DDSI soo jeediyey ayaa dulmaray waxqabaadka DDSI ee dhanka biyaha, caafimaadka, jidadka, waxbrasahada iyo xanaanada xoolaha.Madaxwaynaha,Dawlada Deegaanka Soomaalida Itobiya ayaa aad ugu nuux-nuuxsaday sida shacabka deegaanku u fahmeen ahmiyad ay nabada iyo horumarku u leeyihiin Nolosha iyo aayaha Shacabka isagoona tilmaamay in aan shacabka la'aantii aan waxba xukuumau Qaban karteen.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ku guubaabinta qurba joogta deegaanka u dhalattay inay maalgashadaan deegaankooda kana qeybqaattaan horumarka xawliga ku socoda.

Kadib waxaa hadalkii lagu wareejiyay odayaasha jaaliyada iyo aqoonyahanada oo aad ugu riyaaqay khudbada madaxweynaha ee ku saleysan xaqiiqada. Kuwasoo ooga mahad celiyay sida niyadsamida leh ee madaxweynu ooga qeybqaattay shirka. 

Ugu dambayn waxay la isla qaateen xukuumada iyo jaaliyada FInlsand in ay ka wada shaqeeyaan horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee ka socda deegaanka sidii loo xoojin lahaa Loona Maalgashan lahaa.

Waxaa kale oo ay jaaliyadu ka codsattay madaxweynaha in uu soo booqto jaaliyada Finland taas oo madaxweynuhuna ka aqbalay Codsigooda balse aan la cayimin Xiliga iyo Goorta ay Booqashada Madaxwaynaha Dalka Finland ku beegan tahay.