Buundada Toga Jarareed ee Magaalada Jigjiga oo Shaqo Xoogan Lagu Wado Loona Sameeyay Naqshad Casri Ah Tayadeeduna Sarayso.

Jigjiga(C)Waxaynu Wada ogsoonahay in Sanadihii ugu danbeeyay intii ay Hogaanka Umada haysay Xukuumada Maanta ee Maamulka iyo ka warhaynteedu Gaadhay Meel kasta oo Shacabweynaha Deegaanka ka soo jeedaku sugan yihiin Dal iyo Dibadba in ay Xooga saartay Sidii ay Wax uga bedeli lahayd Dhamaanba Deegaanka wadoxumadii kajirtay iyadoona ay Xukuumada Maantu isu furtay Deegaamo badan oo isutalaowgooda wadaxumo Darteed Cakirnaan jrtay in ay Shacabka iyo Gaadiidku isu gooshaan Sida Buundada Geel-Doox,Mayu,Lagahida iyo salaxaad oo ah Dhul Buuraley ah oo aan Hore Gaadiidku isaga Gudbi jirin balse Maanta ay ka Faaiidaysanayaan Guud ahaan Shacabka iyo Gaadiidkuba ka dib markii Wadooyin looga Bixiyay Buuraha Dhexdooda Buundooyina looga Dhisay taasoo Shacabka Gobolka Nogob Gaar ahaan Kuwa Mayu.Lagahida iyo salaxaad ay aad ugu Mahadiyeen iyagoona Sheegay in Xarunta Gobolka ee Fiiq oo ka ugu Badan u jirta 60km in ay Wado la'aantii Hada ka hor Jirtay ay masaafo ka badan 500Km uga soo Wareegi jireen iyagoo soo Dhexmari Jiray wareeg Dheer Dhanka Deegaanka Oromiya.

Hadaba iyadoo Qorshayaasha Xukumada ee Ku wajahan Dhanka Daboolida Wadooyinka iyo Buundooyinka Iskuxidha Deegaanka Siiba kuwa Wabiyada,Dooxooyinka iyo Buuraha ayaa Hadana ay Xukuumadu Xooga saartay Sidii caasimada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga kor loogu qaadi lahaa Bilicda iyo Dhismaha wadooyinka dhexmara iyadoona Dhamaanba Xaafadaha Jigjiga oo Hada ka hor aanay ka dhexmuuqan jirin Iska Buundooyine wax laami ah Balse sanadihii ugu danbeeyay ay Xukuumada maantu ka hirgalisay Wadooyin Badan oo Laami ah iyo Wadooyin Nooca laga Qoro Dhagaxa taasooy Shaqo abuur iyo ilo dhaqaalaba ka heleen Qoysaskii danyarta ahaa ee Dhaqaalahoodu liitay oo Loo Abaabulay Nidaam iskaashato Shuruucdii loo dhamaystiray.

Dhanka kale Magaalada Jigjiga oo sanadkan martigalisay Xuskii 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya Hidar 29 ayaa Xukuumada DDSI ay Wax aan ka badnayn 4Bilood si xawli ah Ugu Guntatay Sidii ay usii loabajibaari lahayd Bilicda iyo Quruxda Magaalada Jigjiga oo laga Dheehan karo Muuqaalka Maanta iyo Muuqaaladii Hore ee Jigjiga farqiga lama filaanka ah ee Mudo yar Gudaheed u dhaxeeya taasoo ku Timid kaliya ka Go'naanshaha Xukuumada Maanta iyo Xidhiidhka wadashaqayneed ee ay Ka Dhex abuurtay Qaybaha shacabka iyo qaab-dhismeedyada dawlada.

Magaalada Jigjiga oo Laga Dhisay Buundooyin Nooca Gawaadhida iyo Kuwa Lugta Agagaarada labada Dugsiga Sare ee Sh C/salaan iyo Xuseen Giire oo ku yaala Badhtamaha Wadada Laamiga ah ee Dhexmarta Magaalada ayaa hadana Todobaadkan Si xawli ah Looga Bilaabay Buundo Naqshad casri ah loo sameeyay Taasoo laga Dhisayo Toga Jarareed ee Dhexmara Magaalada Gaar ahaan wadada tagta Xaafadaha 4aad ee Aayar-Dega,Cmc,Boosteejada Busaska Gobolada iyo TTC. Buundadan laga wado Xaafada 4aad ee uu dhexmaro Toga-jarared ayaa dardar xoogan inla Galiyay ay ka muuqataa Sida Xawiga ah ee ay shaqadu uga socoto iyadoo ilaa 7mitir Dhulka Hoostiisa loo Qoday 4God oo Noqondoona Rukunada Buundada si aynan Xawliga Biyaha ku soo rogmada Toga jarareed aynan khatar ugu gaysanin Buundada.

Mar uu wariyaha CakaaraNews uu Tegay Goobta laga Bilaabay Dhismaha Buundada ayaa uu wax ka waydiiyay Maareeyaha Shirkada wada Mshruuca Buundada Tayada iyo Xiliga la fili karo in lagu Dhamaystiro,Iyadoona uu C/lahi Cabdi Bacaad oo ah Madaxa Shirkada uu Sheegay in ay Shirkadu iska Xilsaartay sidii ay Shacabkooda ugu sameeyn lahaayeen Wax Raasamaal u Noqda oonan Noqonin Qosol kujab anaguna aanaan Noqonin Kuwo shacabkooda iyo dawladoodaba khiyaama oo kaliya Noqda kuwo Faaiido Doon ah,Anagoona Heshiiskii aanu kulagalnay Mamulka magaalada Jigjiga Samaynta Dhismaha Buundadan ka dib markii aanu kala tashanay Injineero Aqoonsare u leh Dhismayaasha Buundooyinka ayaanu ugu horayn carada Toga inta sample laga qaaday lagu soo shaybaadhay Addis-ababa ka Dibna la Dersay warbixinadii Saadaasha hawada ee Jigjiga si looga Tusaalo qaato Cabirka Dhererka iyo Balaca ay Gaadhi karaan Mawjadaha Biyaha Toga.

Bacaad waxaa mashruucan ka hawlgalaya injineero badan oo ay ka mid yihiin kuwo hada ka hor deegaanka ka dhisay bridgeyo iyadoona Naqshad ku haboon Dhismaha Buundadan oo casri ah laga duulayo, islamarkaana Rukmada ilaa 6-Mitir loo Qoday anagoona kutalo jirna inaanu Ka Hor Roobka in aanu Dhamaystirno Shubida si ay noogu dhibyaraato Dhamaystirka Buundada ayaa uu Yidhi C/laahi Bacaad Maareeyaha Shirkada Heshiiska kula gashay Maamulka Magaalada Jigjiga Dhismaha Buundadan. itir