Qaybtii 2aad Waraysi Xiiso badan oo Aanu Kadka Telefoonka Kaga Qabanay madaxwaynaha DDSI oo Ku Sugan Badhtamaha London.

London(CN) Talaado Jan-21,201. Madaxwaynaha DDSI Waxaan aad ugu Faraxsanahay Sida Farxada iyo Shucuurta Midnimo-Wadaniyadeed ee ay noogu Qabsoomeen 100%100 Dhamaanba Shirarkii Goos Gooska ahaa ee aan kula Kulmay 9ka Gobol,Maalqabeenada,Maalgaliyayaasha Heer Caalami iyo Casho-sharaftii aan la Qiyaasi karin Meeqaamka sare iyo Qiimaha Farxadeed ee ay Ugu fadhiday Qurbajoogta oo Dhaanto waagu ugu baryay,Anagana Si xoogan u soo jiidatay dareenkayaga taasoo ka turjumaysay Xilkanimada,ka go'naanshaha iyo Wakhtiga ay Jaaliyada UK u hurtay in ay Heerkan Bilaa Xasarada ah ee ay Iskuduubnidu ka Muuqato soo Gaadhaan.

Madaxwaynaha Waxaa iyaguna farxad na sii galiyay Qurbajoogta ka soo jeeda 9kaGobol oo iskaxilsaaray Ilaalinta Saacada iyo ka Qaybgalka Shirarka oo iyaguna la odhan karo Waa Qurbajoog ay ka go'antahay in ay Dalka,dawlada iyo shacabkoodaba u hagar baxaan. Mar uu Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka Waramayay Gulihii ka Dhashay Xuskii Hidar-29 ee ay Xukuumada iyo Shacabkeedu Gaadheen ayaauu iyana Guul Dhigeeda ah ku tilmaamay in ay Tahay Jaaliyada iyo Qurbajoogta London oo Gacmaha isu Qabsaday Midnimo kaga Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Saxar-Tiran iyo Maalgashiga.

Madaxwaynaha ayaa Tusaale u soo Qaatay Guulaha ay Jaaliyada DDSI ee UK ku sugeen Midaynta Aragtida iyo Xooga Qurbajoogta Deegaanka ka soo jeeda ee Ku Nool Ingiriiska ay Daliil Cad u Tahay N/galyadaBuuxda ee London ka aslaaxday Anigu waxaan Shirarka Ku Qabanayay kulana Kulmayay Qurbajoogta iyo Hantiilayaasha Hotelka Aan Deganahay oo si la mida Xafiiskayga Jigjiga aan u Fadhiisanayay Kuna Qaabilayay Gobolada iyo Maalgaliyayaasha,Sidoo kalana Safaarada DFI ee UK iyo Mararka Qaarkood aaan kula Kulmayay Guryaha iyadoon wax haba araatee aan Irdho laga Qabin Amni Xumo.

Madaxwaynaha oo ka Gaabsaday in uu soo hadal Qaado UBBO ayaa Carabaabay in waxa loogu yeedho UBBO ay waa laga soo Gudbay ay jiri jirtay uun magac ahaan balse wakhti-xaadirkan aynan Dalalka Dibada iyo Dalkaba ka Jirin iyadoona uunan kaduwanayn Natiijada ka soo hoyatay Shirarkii london socdaaladii aanu gobolada iyo Degmooyinka ku soo Marnay ee ay Halku-dhaga mala-awaalka UBBO ahaa Anagoo Hurudna ayaa la Maray Walow Maantana aan 3dii Dhuuni Qaate ee London ka cararay ay Ku Muusanaabeen Anagoo Maqan ayaa London la Yimid Waana Tabar la'aantooda ka dib lafahooda ula Baxsadeen si ay ugu Marmarsoodaan"Anagoo Maqan ayaa La Yimid".

Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Carabka Ku Dhuftay in Maadaama ay Dhanka Baabuurta London Wadooyinka cidhiidhi ku yihiin In uu kalsooni Buuxda isagoo Qaba uu London Baaskiil ku dhex watay Mararka Qaarkoodna Kuba Dhex lugaynayay Goobaha Soomaalidu ugu badan tahay oo uu Maqaaxiyaha Shaah kula Cabayay.

La Soco Qaybta 3aad.