Ramadan Kariim 



 

      

Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka Arimaha dawlada,Dhaqanka iyo dalxiiska oo Ka Warbixiyay Ahmiyada Balaadhan ee ay Xuska Maalinta DDSI u Leedahay Shacabka.

Jigjiga(CN) Talaado jan-21,2014.mar uu maanta Shir-saxaafadeed uu ku Qabtay Xafiiskiisa Wasiirka Xidhiidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane maxamed Guure Bisle ayaa uu Sharax ka bixiyay Qiimaha Balaadhan ee ay Guud ahaan Shacabwaynaha DDSI ugu Fadhido Xuska Maalinta La Askumay Xukuumad ay Yeeshaan Soomaalida Itoobiya dastuurka Qarankana lagu Sugay Dhamaanba Xuquuqaha iyo Jiritaanka Qowmiyada Soomaalida Itoobiya.

Mudane Guure ayaa Tibaaxay in Munaasabada Xuska Maalinta DDSI oo ku Beegan 15ka Bisha DIR Dhamaanba 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta Ismaamul Magaalo ee uu Deegaanku ka kooban yahay laga wada Xusi Doono iyadoona Maalintan qadarinta mudan lagu soo bandhigi Doono Isbedelada iyo Horumarka Diqoqraadiyadeed ee laga Dhaxlay halgankii Dheeraa ee ay dalka ku Waydaariyeen Kaligii taliskii Macangaga ahaa ee Mingistu xayle Mariam iyo taliskiisii xasuuqa ba'an ku hayay Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya.

wasiirka ayaa Sidoo kale Sheegay in Dhamaanba Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ka Dhisan Wadamada Dibada in ay iyaguna si la mid ah lagu Xusi doono Maalintan taasoo Qiimo Gaara inoo wada leh iyadoona Sanadkii 1983.T.I ay ahayd Maalintii ay dalka ka Curatay Iftiinkii Dimoqraadiyadeed ee ay EPRDF Xukunka kaga Tuurtay Dhergigii,islamarkaana la helay Cadaalad,Sinaan,Xaqdhawr,Walaalnimo iyo Xaqa korinta Dhaqanka iyo Luqada Qowmiyad kastaa leedahay.