CIID MUBAARAK



 

      

Ila Qosol Ma Taqaanaa Ninka ugu Missed-Callka Badan Deegaanka iyo Gobolka uu Ka Soo Jeedo.

Jigjiga(CN) Jimce Jan 2014,Tirakoob laga Sameeyay Deegaanka Dhanka Isticmaalka Aalada Mobileka ee ay dadku ku xidhiidhaan ayaa lagu Ogaaday in Ninka ugu Missed-Callka Badan islamarkaana ay Caado u Tahay Gacan ku haynta Dirida Mobileka Ilbidhiqsina uunan firaaqo lahayn Mobilekiisu in uu ka soo Jeedo Gobolka jarar iyadoona Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in uu gaadhay Recordka ugu sareeya Deegaanka dadka Missed-callka Dira.

Hadaba Ninkan haysta Darjada ugu saraysa Deegaanka Dhanka isticmaalka Mobileka ayaa lagu magacaabaa Shaywaal oo ka soo jeeda Deg-Dh/buur isagoona 24ka Saac awood u leh Celcelis dhan 190-Missed Call in uu Diro taasooy dadka Badankood ka Cabanayaan Xiliyada uu soo Diro oo ah Saqda-Dhexe amaba Waabari ku dhawaadka xiliyadaas oo uu Qofku u Qaadan karo Dhiilo naxdin leh Balse marka lagu Celiyo ayuu kaliya Waan ku salaamayay ugu jawaabaa.

Hadii uu Shaywaal 24kii saac 190 Missed-Call Diro Bishii imisa ayuu Diri karaa 190x30=5700 halka Sanadkiina uu Diro 5700x12=68400 Walow ay Macaamiisha ama Shaqsiyaadka kala Duduwan ee uu Roobka kaga Dhigo Fadlan Igu Soo Celida ay Khaatiyaan ka Taagan Yihiin Sida Marayare iyo C/xakiin Xulbo.