Madaxwaynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Goor-Dhow Ka Duulay Heatrow Airport Una Sii Jeeda Dhanka Wadamada Indhayarta(Asia).

London(CN) Jimce jan 24,2014.Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisii oo Booqasho hawleed oo soo ifbixisay Heerka iyo Sida ay Qurbajoogta UK uga Go'an tahay badhigantaalida iyo ka Qaybqaadashada Isbedelada iyo Qorshayaasha ka Socda Deegaanka Sida Horumarka, N/galyada, Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba iyadoona ay kaalin Muuqata ka Qaataan Hawlaha Qaranka Sida Socdaalkii Baalka-Dahabka ay ku galeen Soomaalida UK ee Lagu iibsanayay Saamiyada (Bond) Biyo-xidheenka Qarniga ee Wabiga Wayn ee Abbay.

Dhanka kale Qurbajoogta ka soo Jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay ayaa wacdaro soo shaacbixiyay Heerka iskuduubnidooda ku salaysan in Shacabka Neecawda iyo rajada Nololeed la kowsaday Intii Xukuumada uu Hogaankeeda hayo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar jirtay kana soo kabtay hagardaamadii iyo Dibindaabyooyinkii UBBO dhaxalsiisay in aan dib loogu Celin taasooy Wadajir Cawda uga jareen Wax lagu Magacaabo UBBO iyo Maydhaxdeedii in lagu Arko cariga Ingiriiska gaar ahaan London taasooy marag ma doon u ahayd Socdaalkii Madaxwaynaha uu Dhawaan ku Tegay London natiijooyinkiisii iyo Ruclihii ay ku Tageen Sweden 3dii Shiraacii Tacsida ku xidhay Goob ka Mida Meelaha Qashinka lagu Daadiyo.

hadaba madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisa oo aad u Bogaadiyay Natiijadii iyo Sida Meeqaamka Sare ahayd ee uu Socdaalkoodii Hawleed ee ay London ku joogeen ayaa Galabta ka Duulay gagida Diyaaradaha London(Heatrow International Airport),islamarkaana u sii Jeeda Dhanka wadamada Indhayarta(Indo-China) la isku yidhaahdo sii ay u sii ambaqaadaan wajigii 2aad ee Socdaalkooda Dhanka Asia si ay Aqoon Kororsi Dhanka Beerista Dalagyada Bariiska iyo Sonkortaba ula soo Yeeshaan si ay Heshiisyo Heer Calami ah ula soo galaan.

la soco Wixii faahfaahin ah iyo hawlaha dalalka Indhayarta ay Madaxwaynaha iyo waftigiisu kala soo xaajoon doonaan.