CIID MUBAARAK



 

      

Ku-xigeenada Madaxwaynaha,Golaha Capinetka iyo Afhayeenka Baarlamaanka DDSI oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Qoyskii iyo ehelkii uu Ka Baxay Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi.

Jigjiga(CT) Ku-xigeenada Madaxwaynaha DDSI,Golaha Fulinta Xukuumadaiyo Afhayeenka Baarlamaanka DDSI ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u Diraya Guud ahaan Shacabweynaha DDSI,Beesha Absame iyo Adeerkood,Qoyskii,Qaraabadii,Asxaabtii iyo Caruurtii uu ka Geeriyooday Marxuum Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Diredawa lehna Waxaan Ilaahay Ka Baryaynaa in uu Wadar ahaanteen iyo Qoyskii uu ka tegayba Samir iyo iimaan inaga Siiyo Marxuumkana naxariistii jano ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Garaad maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi ayaa ku Dhashay Jigjiga sanadkii 1946,islamarkaana Dugsiga hoose wuxuu ku qaatay magalda Jigjiga Dugsiga Dhexe iyo sarena wuxuu kaga baxay Dugsiga Sare Qadhmaa-Hayleselase Isagoona Heer Jaamacadeed Kaga Baxay Addis-ababa Kotobe College.

Garaad maxamuud Garaad Dool oo ahaa garaadka Guud ee Dalada Beesha Absame iyo Adeerkood oo ku kala baahsan Itoobiya,Kenya,Soomaaliya iyo Dibadaha ayaa ifka kaga Tagay 4-Wiil,Gabadh iyo Hal Xaas iyadoona aanu Dib idiinka soo Gudbin Doono Taariikh Nololeedkii Garaadka oo Dhamaystiran iyadoona Si Heer Qaran ah loogu Aasi Doono Xabaalaha Jigjiga.