CIID MUBAARAK



 

      

MadaxWaynaha DDSI oo Dalka Dibadiisa Ku Maqan ayaa Soo Idmay in Si Heer Qaran ah loo Aaso Beri-Subax Maydka Garaad Maxamuud Garaad Dool.

Bang(CT) Axada jan26-2014.Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga Naxay Geerida Kadiska ah ee ku timid Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo ay Sanadkii ugu Danbeeyayba ay Xukuumada DDSI la tacaalaysay Caafimaadka Garaadka Dabayaaqadii Bisha Decembar 2013 Dhakhtar loogu Diray Dalka Thailand, hadaba Madaxwaynaha DDSI ayaa Sheegay in Garaadku ka sakow Shacabka heerarkooda uu Xukuumada DDSI aad ugu waynaa islamarkaana ahaa Cadaali,Xaqsoor,Jecel ka shaqaynta nabada iyo Midnimada Shacabweynaha DDSI ee ku kala baahsan 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta ismaamul Magaalaba,sidoo kalana Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya.

Madaxwaynaha ayaa ku soo adkeeyay Siihayaha Xafiiska Madaxwaynaha,wasiirka Madaxtooyada,Gudiga Aaska loo Magacaabay iyo Golaha Capinetkaba iyadoonaan Qadarka Alle aan la soo celin karin Balse Xukuumada iyo Shacabka looga Baahan yahay in la Muujiyo Qadarinta iyo Sharafta Qarameed ee uu Garaad Maxamuud Garaad Dool inaga Mudnaa Damaanada Qoyskiisana la sugo.

Madaxwaynaha ayaa Tibaaxay Maadaama Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi uu ahaa Dalada Guud ee Kulmisa Dhamaanba Beesha Absame iyo Adeerkood islamarkaana uu kala fogyahay Dalalka looga imaan karo oo ay adag tahay sidii Degdeg looga yimaado dhibaato Dhanka gaadiidka Cirka iyo Dhulkaba in lagu aaso Berisubax Magaalada Jigjiga Gaar ahaan xabaalaha Sheekh Cali Guure oo uu ku aasan yahiin inta Badan Garaadadii ka horeeyay Sida Garaad Wiil-waal iyo Garaad Dool Garaad Xirsi.