CIID MUBAARAK



 

      

Tababar ku saabsan habka maaraynta iyo illaalinta cuntada oo loo qaybtay qaarka mid ah degmooyinka uu ka hawlgalo barnaajidka PSNP ayaa lagu soo gabagabeeyay holka shirarka ee mac’hadka maaraynta DDSI

Jigjiga(CN) Sabti Feb01,2014.Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI ayaa waxaa loo qaytay 120 qof oo ah shaqaalaha ka hawlgala 11 degmo ee ka shaqeeyo barnaamijka badbaadada shabakada wax soo saarka. productive safety net program (PSNP).

Tababarkan oo socday mudo 5 maalmood ah ayaa maanta waxaa xidhitaankiisii ka soo qayb galay ku simaha wasiirka beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga mudane muyiyadiin maxamed isaga oo ka hadlay xidhitaankii tababarkaasi ayaa waxa uu siwayn uga waramay ahmiyada uu leeyahay tababarkani wuxuna yidhi” deegaaneenu waxa uu ka mid yahay deegaanada nasiibka u helay in laga hirgaliyo barnaamijka ( PSNP) iyada oo ay ka mid yihiin deegaanada kale oo laga hirgaliyay barnaamijkan deegaanada ahmarada, tigreega, shucuubta koonfureed iyo deegaanka canfarta.

Wuxuna hada galayaa waji cusub kaasi oo la rabi in dhincyo badan laga tayeeyo, waxaa kale oo barnaamijkan laga hirgalinayaa degmooyinka iyo tuulooyinka lays leeyahay waxaa soo food saari kara cunto yari”. Waxaa kale oo uu ku simaha wasiirku sheegay in deegaankeena uu barnaamijkani ka hawlgalo 32 degmo islamarkaana ay ka faa-iidaystaan in ka badan 729,320 taasi oo la xaqiijiyay damaanad qaadka cunno ee qaysaska saboolka ah aha ay soo food saari karto cunno yaraantu. Wuxuuna si qoto dheer ku simaha wasiirku ugula dardaarmay ka soo qaybgalayaashii tababarkani isaga oo ku booriyay in cashiradii ay qaateen mudadii uu socday sidii loogu tala galay uga soo baxaan waxaana laydiinka baahan yahay ayuu yidhi in marka aad ku noqotaan goobihii aad ka timaadeen si wanaagsan u maamushaan raashinka laga bilaabo wakhtiga oo soo gaadho degmada illaa uu gaadhayo meeshii loogu tala galay.

Qaarka mid ahaa ka soo qaybgalayaashii tababarkani oo uu wariyuhu dareenkooda wax ka waydiinay ayaa waxay noo sheegeen in ay aqoon wanaagsan oo wax tar u leh ay ka barteen mudadii uu socday tababarkani islamarkaana marka ay tagaan degmooyinkii ay ka shaqaynayeen sida ay barteen uga shaqayndoonaan. Waxaana tababarkani cashirada ka bixinayay mudadii uu socday khabiiro ka socda wasaarada beeraha ee JDFI iyo xafiiska beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga DDSI