Nasiibka ayaa caawiya Man-City:Wenger iyo Mourinho oo hadalo ka yaabiyay Man-City ku hadlay

UK(CSP) Isniin Feb03,2014. Macalinka Kooxda Arsenal Wenger ayaa taageeray hadalkii uu sheegay Tababaraha Kooxda Chelsea Jose Mourinho ee ahaa in Man-City uu caawiyo nasiibka,isagoo jawabtan bixiyay mar wax laga weydiiyay hadalkii Macalinka Chelsea ee ay dhibsadeen Kooxda Man-City oo arin lagu qoslo ku tilmaantay hadalak ka soo yeeray 2-dan Tababare.

Hadalkan nasiibka lagu shaabadeeyay Man-City ayaa yimid xili 2-Maalin ka hor Man-City ay xasuuqeen Kooxda Tottenham,halka Arsenal iyo Chelsea ay barbar-dhac galeen,taasina ay sababtay in Man-City ay la wareegto Hogaanka Premier-Leaga ee Ingiriiska oo ay waayadanba u soo suxul-duubaysay halka ay Kooxdii Manchester United Ferguson ka Dib ay Dib u Gurasho mooyee laga waayay in ay Haabato Safka hore ee horyaalka ingiriiska.