Qaar ka mida Masuuliyiintii UBBO oo Isa soo Dhiibay iyo

Nogob(CN) Shaki kuma jiro in kooxdii Asmara ee la odhan jiray UBBO ay noqdeen Geed hadhwaayay taasooy geesiyiinta Liyuupoliceku ay ka Dabarjareen Deegaanka kana Dulqaaeen Heeryadii Xumayd iyo Dibindaabyooyinkii Wajiyada badnaa ee ay hagardaamooyinka ugu gaysan jireen Shacabweynaha DDSI. Dhanka kale waxaa isa soo taraya in ay Maalin kastaba ay ku soo qulqulayaan Xayntii ka hadhay Kooxdii gabalkoodu dhacay ee UBBO kuwaasoo kadeed ay ku noqotay Dhuumaalaysigii naflacaariga ahaa iyo kunoolaanshaha Anfariirka Qorofyada Sida Shimbirta Xidan-xiidka aan ilbidhiqsi sal dhigin.

hadaba waxaa isu soo dhiibay Ciidamada Geesiyiinta ah ee LP rijmantigiisa 15aad ee ka hawlgala Gobolka Nogob C/laahi Sheekh Cabdi oo UBBO u ahaa Taliye kusheeg Urur oo ay la socdeen Qaar ka mida Maleeshiyo hubaysan oo Staff u ahayd iyo Nin isku sheegay in uu wariye UBBO ahaa laguna magacaabo Maxamed Maxamuud oo watay Boorso Documenti ah.

Wixii ka soo kordha isha ku hay CN.