jaliyada galbeedka-Australia perth Ku Qabatay Xalada Xuska Maalintii Dhiibada loo Qotomiyay Xuk,DDSI 15ka Dir BBQ.

Perth(CN) waxaa malintii axada aheed ee 2/2/2014 jaliyada DDSI ee galbeedka Australia ay BBQ ay ku xusayeen malintii la aas-aasay Dhidibadana loo taagay Xukuumada DDSI taasoo si wayn looga xusay magalada perth ee Wadanka Australia.

Munaasabadan ayaa ay ka soo Qaybgaleen qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay jaaliyada DDSI ee Perth sida haweenka,Dhalinyarada,culumada iyo Wax-garadka jaliyada iyadoona halkaas ay jaliyada kusoo bandhigeen ciyaaro hidaha iyo dhaqanka,tartantan xaga orodka iyo madadalooyin badan ooy u riyaaqeen dhamaan dadkii halkaas isugu yimid Goobta Munaasabada lagu qabtay oo ahayd BBQ halkaasoo ah goob caan ka ah magala perth.

Hogaaminta iyo waxgaradka jaaliyada Perth ayaa halkaas ka soo jeediyay Warbixino ka xog-waramayay Isbedelada Baaxada wayn ee ay ukuumada Maantu kaa taabogalisay Deegaanka Dhinacyada Horumarka,N/galyaada iyo Maamulka suuban sidoo kalana Adeegyada aas-aasiga ah Sida wabarashada, caafimaadka, biyaha, beeraha, isgaadhsiinta, wadooyinka iyo waliba Barnaamijka Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka oo Shacabka Xoolo-dhaqatada ah kor loogu soo qaadayo Noloshooda si ay ugaga faaiidaystaan Waxsoosaarka Dalagyada Beeraha.

Sidoo kale waxaa Guul taariikhi ah lagu tilmaamay Xuskii 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya ee Sanadkan lagu Qabtay Caasimada DDSI Magaalada Jigjiga taasoo lagu xaqiijiyay hawlkarnimada iyo wadajirka ay uga soo dhalaaleen Xukuumada iyo Shacabkeeda oo gacmaha ishaystaa.

Xafladan ayaa Xukuumada DDSI ee uu hogaankeeda hayo Madaxwayne Mudane Cabdi MC lagu amaanay Dadaalka ay Shacabkeeda ugu hagarbaxday iyo isbedelada xawliga ah ee ay ka Dhaqangalisay iyaagoona Hambalyo iyo taageero u soo diray Xukuumada Maanta Hogaanka haysa iyo XDSHSI.