Ramadan Kariim 



 

      

Ilqoodhka:- Golaha Capinetka oo Maanta Shiray iyo Qiimayn sal iyo Baara oo Berito Bilaabmi Doonta.

Jigjiga(CN) Sabti Feb08,2014. Wariyaha Ilqoodhka oo waayadan kala horayay Qaar ka mida UBBO oo Nabada Qaatay Qirayna Horumarka ka socda deegaanka ayaa Maanta Diirada saaray Shir balaadhan oo ay Golaha Capinetka ee Xukuumada DDSI ay maanta ku yeesheen Hoolka Shirarka ee Xafiiska Madaxwaynaha iyadoona uu Shir Gudoominayay Madaxwaynaha DDSI oo Shalay uun Dib ugu soo Noqday Jigjiga Socdaalo Dheer ka Dib.

Shirkan Golaha Fulinta ayaa maanta Tooshka Wareega ee Waxqabadka Xafiisyada lagu daalacanayay waxqabkii 6da Bilood iyadoona Su'aalo laga waydiinayay Meelaha aan Sidii la rabay waxba looga Qaban ama ahaa Qawda maqashii waxna ha u qaban oo Siiba Xafiisyada Waawayn daran doori su'aaluhu ugu hoobanayeen.

Dhanka kale Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in ay Si rasmi ah Qiimayn Sal-balaadhan oo Sector kasta lagu eegi doono Heerka waxqabadkiisu uu gaadhsiisan yahay Waxa laga Fuliyay Qorshihii u yaalay 6dii Bilood ee la soo dhaafay uga Bilaabmi Doonto Hoolalka Shirarka Magaalada Jigjiga Sida Hoolka Qaaan Dhoodaan,Hoolka Haweenka,Hoolka Xarunta Dhexe iyo Hoolka Mngt Institute.

Isku Soo wada duuboo maalinta Beri ah ayaa sal iyo Baar Shaybaadhka waxqabadka Tooboon ee Sector kasta lagu eegi doonaa walow galabta uu Shir Orientation ah uu uga bilaabmay Hoolka Shiararka Qaryaan Dhoodaan Dhamaanba Sectorada iyo xafiisyada Heer Deegaan.