Ramadan Kariim 



 

      

Tababar loo Qabtay Garsoorayaasha Ciyaaraha oo la soo gabagabeeyay.

AA(CN) Axad Feb09,2014.

Tababarkan O Ay Iska Kaashadeen Komishinka Ciyaaraha Sportiga Heer-Federal Iyo Dhigiisa DDSI oo lagu qabtay Addis-ababa ayaa kasoo heerarka Garsoorayaasha Mudadi Uu Tobabarku Socday Lagu Barayey Shuruucda Ciyaaraha Kubada Cagta Kubada Kolayga Ta Gacanta Iyo Sidoo Kale Ciyaraaha Fudud Ee loo yaqaano Athletics. Tababarkan Oo Ay Bixinayeen Khabiiro Aqoon Durugsan u Leh Xirfadaha aqooneed Iyo Qawaaninta Sportiga Qeybihiisa Kala Duwan ayaa Ka Socday Komishinka Ciyaaraha Ee Heer-Federal ee Magaalada Addis-ababa isagoona socday mudo dhan 2todobaad. Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha uga Qaybgalay Deegaanka ayaa laga soo kala xulay 9ka Gobol,68da Degmo Iyo 4ta Maamul Magaalo Ee U Deganku Ka Koobanyahay Iyadoona sidoo kaleTobabarkaasi Qaybka Ahayeen Dhalinyarada Maqalkoodu Hoseeyo kuwaasoo si gaara loogu tababaray Ciyaarta Kubada gacanta.

Tobabarkan Ayay Ujeedadiisu Ahayd Sidi loo soo saari lahaa Garsorayaal Iyo Tobabarayaal Aqoon Durugsan u Leh shuruucda Kubada Cagta Iyo Garsoore Nimada kuwaasoo Iyagu Hogaamindoona Wareegyada Tartamada Ciyaaraha heerarkooda ee Lagu Qabandoono Gobolada Iyo Degmooyinka Degaanka Waxaana Tobabartayaashii Lagudonsiiyey Tobabarka Heerka Kowaad iyadoona Macalimintii Tobabarka bixineysay uu qaybka ahaa Garsooraha heerka caalami ah kaasoo u Dhashay Dalkan Itoobiya Selemon Gebra Silase Oo Isaguna Dhiniciisa Tobabartayashii Kula Dardaarmay Inay Sii Wadaan Dadaalkooda Ay Kor Ugu Qaadayaan Barashada Maclumaadka La Xidhiidha Ciyaaraha Sportga Si Ay Ciyaartoyga Degaanku Uga Dhexmuqdaan Islamarkaana Natijooyin Fican Uga Kenaan Fagarayaasha Sportga Ee Heer Qaran Iyo Heer Caalamiba.

Isku soo wada soohoo DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay xooga la saaray kor uqaadida tayada Hiwaayadaha Ciyaaraha iyo Kobcinta garaadka maskaxeed ee dhalinyarada.

Ciise Cali.